Sakaatul Fidriga iyo Sida loo Bixiyo

0
769

Fidrada macnaheeda: Waa sadaqo la bixiyo dhammaadka bisha Soon

Fidrada waajibnimadeeda waxa cadayn u ah

Waxa la waajibiyey sanadkii labaad ee Hijriyada, waana sanadkii la waajibiyey Soonka. Waxaana cadayn u ah:Ibanu cabaas wuxuu yidhi (Alaha ka raali noqdo)nabiga CSW wuxuu nagu waajibiyay fidrada wuxuuna yidhi waxay daahirinaysaa qofkii soomanaa qaladaadkii  ka dhacay sida hadaladii macna la’aanta ahaa, cayda iyo wixii la mid ah.iyo in ay raashin u noqoto masaakiinta iyo Faqiiriinta Muslimiinta, isla markaana maalintaa Ciida ay baryada uga kaaftoomaan.

Wakhtiga ay waajibto iyo qofka ay ku waajibto

Waxay waajibtaa maalinta ugu danbeysa ee bisha soon,(2) (asxaabta rasuulka SCW waxaa ka sugnaatay inay bixiyeen maalin ama laba maalmood ka hor maalinka ciida ah,(3) waxaa ugu danbaysa bixinteeda salaada ka dib),waxay ku waajibtaa qofkasta oo muslim ah oo haysta wuxuu cuno asaga iyo dadka uu masuulka kayahay maalinka ciida ah iyo habeenkeeda wax ka dheeraad ah. Xukunka Sakaada Fidridu waa ku waajib qofkasta oo Muslima oo haysta cunto ka badan Isaga iyo Caruurtiisa maalinta Ciida iy Habeenkeedaba, waxaana u daliila Xadiiskan:

Sida la inoo sheegayna waxa fadli badan in la bixiyo Salaada Ciida ka hor. Sida xadiisku inoo sheegay waxa la yidhi “Haddii la bixiyo intaan Salaada la gelin waa Fidro, hadii la bixiyo Salaada ka dibna waa sadaqo’’.

Cabirka la bixinayo iyo noocyada lagu bixinayo

Abii saciidul khudri Alle ha ka raali noqdee wuxuu yidhi waxaanu ahayn kuwa bixiya xiligii nabiga SCW (saac oo raashin ah)(5) saacu wuxuu u dhigmaa laba kiilo iyo badh, cuntada la bixinayo waa cuntada dadka badankii cunaan sida Bariiska, Baastada, Daqiiqda, sonkorta, qamadiga…. i.w.m.(6) Nabiga SCW iyo asxaabtiisa Alle ha ka raali noqdee kama sugnaanin inay lacag ku bixiyeen taa macnaheeda wuxuu yahay lacag laguma bixin karo, laakiin lacagta aad ku bixiseen waa in raashin loogu gadaa masaakiinta, ee aanan lagu siin lacag cadaan ah.

Yaa la siinayaa

Waxaa la siinayaa Qof kasta oo miskiin ah iyo Todobada kale ee ay Aayada Sheegtay, waxaan ajar badan, oo waliba Afdal ah inaad siiso Masaakiinta Magaalada kula joogta, miskiinka waa Qof kasta oo aan haysan wax ku filan.

See loo bixinayaa

Qofkasta oo bixinaya Sakaatulfitriga waa inuu raadiyo miskiinka Ehelkiisa ah, haddii la waayo miskiinka Deriskiisa ah, haddii la waayana Qof kasta oo Muslima ah.

Dadka aan la siinayn: la siin maayo: Faracaaga, Waaliidka iyo Ooridaada

 

Leave a Reply