Chelsea oo ka Talaabsatay 10 Xiddig oo West Ham ah Kulan Adag oo Xiiso leh

0
241

Kooxda chelsea ayaa guul dirqi ah ka gaadhay kooxda West Ham kulan ka tirsanaa horyaalka premier League kana dhacay Stamford Bridge.

Kulanka ayaa ahaa mid ku adag oo ay labada kooxoodba soo bandhigeen rabitaan ah in aan laga badin kulanka.

Chelsea ayaa ahayd kooxda ku fiican dhinaca kubad haysashada xilli ay West Ham difaacanaysay golkeeda isla markaas ciyaaraysay weeraro rogaal celis ah oo ay goolal ku doonayeen.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhmaatay bar-baro gool la’aan ah iyada oo labada kooxoodba si fiican u ilaashadeen goolkooda inkasta oo ay heleen fursado fiican.

Kooxda chelea ayaa qaybta dambe ku bilaabatay si dar-dar leh iyada oo kooxda West Ham lafteedu qaadaysya weeraro halis galiyay goolka nkooxda chelsea kana dhalin gaadhay goolal marar badan.

Xilli ciyaartu u socoto si adag labada kooxoobana raadinayaan fursad ay gool ku dhaliyaan ayaa chelsea daqiqiadii 887-aad loo dhigay rikoodhe iyada oo West Ham kaadhka cas looga taagay xiddiga Craig Dawson.

Laakiin xiddiga Jorginho ayaa kooxdiisa chelsea ka khasaariyay rikoodhadii loo dhigay iyada oo uu Goolhayaha West Ham ka qabtay rikoodhada loo dhigay chlesea.

Xilli ay ciyaartu u muuqato mid bar-baro ku dhamaanaysa ayuu xiddiga Chritian Pulisic daqiiqadii 90-aad dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta isaga oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay chelsea guul dirqi ah ka gaadhay 10 xiddig oo West Ham ah kulan ku adkaa labada kooxood kana dhacay Stamford Bridge.

 

Leave a Reply