Tobanka Xiddig ee ugu Guulaha Badan Kubadda Cagta

0
362

Lionel Messi ayaa kusii siqaya inuu noqdo ciyaartoyga ugu koobabka badan leh adduunyada, kaddib markii uu xalay horyaalka waddanka Faransiiska ee  Ligue 1 kula guuleystay Paris Saint-Germain.

PSG ayaa loo caleemo-saaray horyaalka sannadkan, kaddib markii ay barbarro 1-1 ah la galeen Lens kulan ka dhacay Parc des Princes.

Messi ayaa gool qurux badan oo uu bannaanka ka toogtay u dhaliyey PSG qaybtii labaad ee ciyaarta, waxaana uu ahaa goolkiisii afraad ee uu u dhaliyo kooxdan horyaalka, waxaanu noqday midka kooxda u horseeda inay ku guuleysato horyaalkeedii 10aad ee Ligue 1 ah.

Inkasta oo ay Lens dedaal badan samaysay, isla markaana goolka barbarraha keentay, haddana waxay awoodi weyday inay ka joojiso PSG in xalay ay u dabbaal-degto hanashada horyaalka oo sannadkii hore ay ku guuleystay Lille.

Xiddiga reer Argentina ayaa farxadda si weyn u dabbaal-degay, sababtoo ah waxa uu ahaa koobkiisii koowaad ee uu la qaado PSG xilli ciyaareedkiisii koowaad, isaga oo xagaagii si xor ah ugaga soo wareegay Barcelona.\

Laacibkan toddobada jeer ku guuleystay Ballon d’Or ayaa hadda kusii dhowaaday Dani Alves oo ah ciyaartoyga ugu koobabka badan dunida, waxaana  uu u jirsaday afar, taas oo ka dhigan in sannadaha soo socda uu dhaafi doono.

Sannadka ka hadhay qandaraaskiisa PSG ayaa haddii uu kula guuleysto afar koob, waxa uu Messi dhaafi doonaa Alves oo ku guuleystay 43 koob intii uu garoomada ku jiray, kuwaas oo uu kula kala  guuleystay Barcelona, Juventus PSG iyo sidoo kale xulka qarankiisa Brazil.

Tobanka ciyaartoy ee ugu koobabka badan dunida waa kuwan:

  1. Zlatan Ibrahimovic (31 koob)
  2. Xavi (33 koob)
  3. Vitor Baia (34 koob)
  4. Cristiano Ronaldo (34 koob)
  5. Gerard Pique (35 koob)
  6. Kenny Dalglish (35 koob)
  7. Ryan Giggs (36 koob)
  8. Andres Iniesta (37 koob)
  9. Maxwell (37 koob)
  10. Lionel Messi (39 koob)
  11. Dani Alves (43 koob)

Leave a Reply