Liverpool oo Guul ay si Adag ugu Dagaallantay Khadka Cas ku Gelisay Everton

0
318

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa guul dahabi ah oo ay ugu soo dhowaatay Manchester City waxay ka gaadhay Everton oo si aad ah ugula dagaallantay Anfield, taas oo khasaarahani uu geliyey khadka cas ee dib loogu noqonayo heerka labaad.

Tababare Jurgen Klopp ayay kooxdiisu ku dhibaatootay garoonkeeda oo ay Everton dedaal badan ka samaysay, hase yeeshee laba gool oo qaybtii labaad ay u kala dhaliyeen Andy Robertson iyo Divock Origi ayaa Liverpool siiyey guul ay si aad ah ugu dabbaal-degtay maadaama ay kusoo yaraynayeen farqigii afarta gool ahaa ee City ay shalay dhaaftay oo ay hadda ka dhigeen hal dhibic oo kaliya.

Everton ayaa fursado badan oo ay goolal u beddeli karaysay iska khasaarisay qaybtii labaad oo ay ciyaartu labada kooxood ba u furnay, laakiin 45kii d aqiiqadood ee hore ayaa ahaa mid ay labada kooxood taxadar badan samaynayeen, isla markaana Everton u muuqanaysay in aanay gool ba doonayn oo ay waqtiga luminaysay.

Andy Robertson ayaa madax ku qabtay kubbad uu Mohamed Salah kasoo qaaday dhinaca midig daqiiqaddii 62aad, waxaana uu goolkaasi noqday furaha guusha Liverpool, ka hor intii aanu Divock Origi oo beddel kusoo galay aanu keenin goolka labaad oo isaguna ahaa mid uu madax ku dhaliyey.

Natiijadan ayaa ka dhigan, in Liverpool ay yeelatay 79 dhibcood, waxaanay hal dhibic ka dambaysaa Manchester City xilli dhamaadka xilli ciyaareedkana ay uga  hadhsan yihiin afar ciyaarood oo Premier League ah. Laakiin Everton ayaa khadka cas u dhacday oo kaalinta 18aad ku jirta, waxaanay laba dhibcood ka hoosaysaa Burnley oo 17aad u dallacday maanta oo ay guul gaadhay.

Samir badan oo ay labada kooxoodba muujiyeen kaddib, fursaddii koowaad ayaa timid daqiiqaddii 21aad, markaas oo uu Sadio Mane meel yar oo cidhiidhi ah difaaca Everton ka dhex bannaystay, isaga oo iska riixay Allan, waxaana uu darbad awood badan ku toogtay goolka, waxyar ayaanay ka dallacantay.

Andy Robertson oo si adag u shaqaynayay ayaa kubbad uu lasoo dhaafay Coleman waxa uu xerada ganaaxa ugu geeyey Diogo Jota oo isaguna ku qabtay goolka, balse birta ayaa uu dhinac mariyey.

Fursadda kali ah ee la xusi karo ee ay Everton heshay qaybta hore ayaa ahayd kubbad uu Richarlison ku xeeladeeyey Thiago, isla markaan si toos ah uu usii dhiibay Doucoure oo ka daba baxay difaacyahannada, laakiin laacibkan ayaa uu laadku ka qalloocsamay oo goolka hormariyey.

Matip ayaa ka hor intii aan waqtiga nasashada loo bixin waxa uu kubbad dhinaca midig ugu tuuray Mohamed Salah oo isaguna baas hoo-iyo-hoo ah la ciyaaray Keita, waxaanu galay xerada ganaaxa, balse toogashadii uu sameeyey ayaa birta dul-martay.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ee ay woxoogaa socotay ayay Everton heshay fursad fiican oo ay gool ku dhalin karaysay, taas oo ay xataa gaadhsiisay inay ku dooddo rikoodhe. Iwobi ayaa kubbad u tuuray Gordon oo aad u dheeraynayay, waxaanu da’yarkani kala soo galay dhinaca bidix, hase yeeshee Matip ayaa cidhiidhyey oo ku riday xerada ganaaxa dhexdeeda, garsooruhuna waxba uma dhigin, inkasta oo uu Gordon ku dooday in qalad lagu galay.

Daqiiqaddii 60aad ayuu Jurgen Klopp sameeyey laba beddel, waxaanu saaray Sadio Mane oo cadhaysnaa iyo Naby Keita, waxaana uu keenay Divock Origi iyo Luis Diaz oo noqday xiddigaha guusha ku suntan ee jabiyey difaaca Everton.

Andy Robertson ayaa hoggaanka u dhiibay Liverpool daqiiqaddii 62aad, kaddib markii kubbad uu Origi u dhiibay Salah uu laacibka reer Masar madaxa soo saaray, waxaana ku qabtay Andy Robertson oo sidii uu koob ku guuleystay oo kale u dabbaal-degay maadaama ay ciyaartu ahayd mid xamaasaddeedu sarrayso.

Afar daqiiqadood kaddib ayuu Trent Alexander-Arnold birta garaacay kaddib kubbad uu Alan isku dhigay oo dallacantay isla markaana birta oo xagga sare ah ku dhacday.

Divock Origi ayaa dhamaadka ciyaarta oo ay shan daqiiqadood oo kali ahi ka hadhsan tahay madax ku dhaliyey goolka labaad ee Liverpool iyadoo kubbad laba-lugoodis ah oo uu dhinaca midig kasoo celiyey Luis Diaz uu goolka hortiisa ka helay.

Liverpool ayaa sidoo kale heshay fursado badan oo ay goolal u beddeli karaysay, waxaana xusid mudan laad awood badan oo uu Thiago ku toogtay balse uu goolhaye Pickford badbaadiyey.

Liverpool ayay guushu ku raacday 2-0, waxaanay natiijadani uga dhigan tahay inay hal dhibic ka dambeeyaan Man City oo hoggaanka haysa.

Leave a Reply