Munich oo Heshay Beddelka Lewandowski oo la Sheegay inuu ka Tegayo Allianz Arena

0
455

Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa heshay xiddigii u beddeli lahaa weeraryahanka reer Poland ee  Robert Lewandowski oo la sheegay inuu ka  tegayo xagaagan kooxdaas oo muddadii uu joogay uu kula guuleystay koob kasta oo suurtogal ah.

Barcelona ayaa si aad ah loola xidhiidhinayaa gool-dhaliyahan, waxaana la sheegay in uu heshiis hordhac ah oo laba sannadood ah la gaadhay koxodan, hase yeeshee dhinacyada ayaanu midna xaqiijin.

Xavi Hernandez oo raadinaya weeraryahan toos ah oo ku fiican dhalinta goolasha ayaa u arka  Robert Lewandowski inuu yahay sirta dib ugu soo celin doonta kooxdiisa inay ku tartanto dhamaan horyaallada, isla markaana kusoo laabato heerkii ay ka taagnayd fagaareyaasha Yurub.

Bayern Munich oo toddobaadkan ku guuleysatay horyaalkeedii tobnaad ee Bundesliga oo xidhiidh ah ayaa sida uu qoray wargeyska Diario AS, waxay dedaal ugu jirtaa sidii ay ku heli lahayd weeraryahan buuxin kara booska  Robert Lewandowski oo ay adag tahay in la helo xiddig sidiisa oo kale ugu fiican dhalinta goolasha.

Wargeyska ayaa  intaa ku daray, in Bayern Munich ay Ajax kala soo wareegayso weeraryahanka Sebastien Haller oo xilli ciyaareedkan dhaliyey 33 gool oo dhamaan tartamada ah, isla markaana da’ ahaan lix sannadood ka yar  Robert Lewandowski.

Haller ayaa haddii uu Lewandowski joogo iyo haddii uu tagaba ay Bayern Munich doonaysaa inay la saxeexato, sababtoo ah weeraryahanka reer Poland ayay da’diisu tahay 33 jir, waxaana qandaraaskiisa ka hadhsan hal sano oo kaliya.

Waxa kle oo ay Bayern Munich doonaysaa labada ciyaartoy ee kale ee Ryan Gravenberch oo ka ciyaara khadka dhexe iyo difaaca Ajax ee Noussair Mazraoui.

Sebastien Haller oo ku dhashay waddanka France laakiin u ciyaara xulka Ivory Coast ee uu asal ahaan kasoo jeedo ayaa yaraantiisii kasoo baxay kulliyadda da’yarta Auxerre, taas oo sannadkii 2015 uu u dhaafay kooxda reer Netherlands ee Utrecht oo laba sannadood markii uu u ciyaaray uu usii dhaafay horyaalka Bundesliga oo uu kaga biiray Eintracht Frankfurt.

Kooxda horyaalka Premier League ee West Ham United  aya qasnaddeeda u jabisay oo kasoo iibsatay Eintracht Frankfurt, hase yeeshee wuu la qabsan waayay, waxaana uu xagaagii 2021 si rasmi ah ugu wareegay Ajax.

Leave a Reply