Caafimaadka Iyo Cuntada Badan !

0
550

Daraasada cilmi baadhis ah oo  ay soo saartay Harvard School of Public Health (HSPH) ee dalka Maraykanka ayaa cadaysay in quraacada subaxii ay muhiim u tahay caafimaadka qofka, isla markaana ay leedahay faa’iido iyo watar weyn.

Cilmi baadhistu waxay cadaysay  in ragga iska dhaafa quraacda 27%, ay ku dhacaan xanuunada wadno xanuunka iyo weliba inay u dhintaan xanuundaasi. Inta badan dadka quraacda ka taga ayaa marka danbe ee ay gaajoodaan cunto badan qaata taasi oo jidhka aan u fiicnayn.

Cilmi baadhistaan oo lagu daabacy Wargeyska American Heart Association, ayaa socotay mudada 15 sano ah iyadoo ragga laga qaaday tiradooda lagu qiyaasay 26,902 , oo ah kuwa ka sheqeeya goobaha caafimaadka, da’doodun waxay u dhaxaysay 45-82. Iyadoo 1572 Ragaasi ka mid ahi ay ka cabanayaan xanuunada wadnaha.

Ragga quraacada ka taga waa raga aan xaasaska lahayn, kuwaasi oo isticmaala sigaarka ama daroogka kale ka hor quraacada.

 

Eric Rim oo ahaa qoraa iyo Profoseer dhinaca nafaqaynta cuntada ayaa u sheegay Associted Press inay tani tahay fariin si cad ugu socota raga ka taga quraaacada.

Leah Cahill, oo ah Doctore ka tirsan waaxda nafaqaynta ee HSPH  ayaa isaguna cadeeyay Quraac la’aantu inay kor u qaado dhiiga karka, chrostrol iyo macaanka. Quraacada ayaa kor u qaada xusuusta maskaxda iyadoo qofkana ay u fududaato inuu xal u helo dhibaaooyinka haysta. Quraacadu waxay caawisa inuu qofka dhaqankiisu noqdo mid aad wanaagsan.

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply