Lacagta Waallida ah ee Real ay Jeebadda ugu Shubayso Antonio Rudiger oo la Shaaciyey

0
213

Antonio Rudiger ayaa jeebadda loogu shubi doonaa lacagtii ugu badnayd £60 milyan oo Gini marka uu tago Real Madrid oo la sheegayo inuu heshiis hordhac ah la gaadhay, isla markaana bisha May ee foodda inagu soo hayasa uu si rasmi ah uga degi doono Santiago Bernabeu.

29 jirkan ayaa qalinka ku duugaya heshiis afar sannadood ah, waxaana toddobaadkii uu qaadan doonaa celcelis ahaan lacag ku dhow £300,000 Gini, taas oo iskugu jirta lacag lagu siinayo saxeexa heshiiska xorta ah iyo mushaharka uu qaadanayo.

Marka la isku-daro lacagta xaqal-qalinka iyo sidoo kale mushaharka uu qaadan doono muddada afarta sannadood ah, waxa uu Antonio Rudiger ka heli doonaa Real Madrid lacag gaadhaysa £60 milyan oo Gini.

Chelsea ayaa isku dayday inay sii haysan karto Rudiger, waxaanay dhawr jeer u bandhigtay dalabyo heshiis cusub oo uu ka diiday, waxaana markii ugu dambaysay ay ogolaadeen inuu noqdo difaacii ugu mushaharka badnaa taariikhda Chelsea, iyaga  oo u bandhigay £200,000 Gini toddobaadkii.

Laakiin xayiraadaha ay UEFA kusoo rogtay Roman Abramovich ayaa saamaysay qorshahoodii waxaana laga joojiyey inay ciyaartoyda qandaraasyadoodu dhamaadka yihiin ay fasaxaan.

Andreas Christensen ayaa isagana lagu soo warramyaaa inuu raaci doono raadka Antonio Rudiger oo uu tegi doono kooxda  ay xafiiltamaan Real Madrid ee Barcelona, halka Cesar Azpilicueta isagana  uu mustaqbalkiisu laalan yahay, inkasta oo ay Chelsea haysato qodob u ogolaanaya inay sii haysato sannad kale.

Rookies Rrevoh Chalobah iyo Malang Sarr ayaa noqon doona labada difaac dhexe ee Chelsea ay ka garab ciyaarsiin doonto Thiago Silva, balse inay difaacyahanno khibraddaas leh ay mar kaliya ka tagaan ayaa dhibaato weyn ku ah Blues.

 

Leave a Reply