Maamulka Degmadda Wajaale Oo Gubay Allaabooyin Dhacay

0
425

Tog-Wajaale (Dawan): Maamulka degmo ganacsiyeedka Tog-Wajaale ee gobolka Gabiley ayaa shalay meel fagaare ah ku gubay Allaabooyin kala duwan oo dhacay ama dhaafay wakhtigii la isticmaali lahaa.

Waxaanay allaabooyinkaasi la gubay isugu jireen Cuntooyin, Sharaabka la cabo oo kala duwan, iyo Daawooyin, kuwaasoo dhamaantoodba ahaa waxyaabo dhacay.

Allaabooyibkaasi dhacay waxaa shalay si wada jir ah u gubay guddoomiyaha degmadda Tog-Wajaale C/raxmaan Yuusuf Maxamed, waaxda fayo-dhawrka ee dawladda hoose ee Wajaale, oo ay wehelinayeen taliyaha booliska degmadda Wajaale.

Guddoomiyaha degmadda Tog-Wajaale C/raxmaan Yuusuf Maxamed,  oo allaabooyinkaasi dhacay ee ay gubeen ka warbixinayayna waxa uu yidhi, “Waxaanu maanta (shalay) halkan ku gubaynaa allaabooyin dhacay oo la soo ururiyay. Allaab badan oo dhacday degmadan Wajaale ma taaallo, laakiin inta taalla ee aanu meherradaha ka helayno, qofkii meheradiisa laga hello waa lagu xidhi, waana lagu ganaaxi.

Waxaana wanaagsan in qofka ganacsadaha ahi, uu isagu soo gubiyo allaabooyinka dhacay ee uu hayo, waayo? Qofku isagaa kala garanayo alaabta uu hayo. Maadaama oo ay shaqaynayso waaxdii fayo-dhawrka ee dawladda hoose ee Wajaale”.

Sidoo kale C/raxmaan Yuusuf Maxamed, guddoomiyaha degmadda Tog-Wajaale ayaa farray ganacsatadda in ay iyagu soo gudbiyaan waxyaabaha dhacay ee ay hayaan, taasoo haddii ay bulshadu isticmaasho halis gelin karra caafimaadka dadka.

“Waxaanan faraynaa dadka ganacsatadda ah, iyagu in ay soo gudbiyaan allaabooyinka dhacay ee ay hayaan. Shayga dhacay, haddii uu bulshadda gallo, Sun buu la mid yahay. Meherrada allaab dhacday lagu arko, waa in la soo sheegaa, oo dawladda lala soo socodsiiyo” ayuu yidhi guddoomiyaha Wajaale.

Geesta kale allaabta dhacday ee ay gubeen maamulka degmadda Tog-Wajaale, ayaa isugu jirtay Kirriimyadda la marsado, sharraab, iyo daawooyin,iyo  qayb ah noocyo loo isticmaallo in wax lagu daaweeyo, Cadarro, wax la cunno, oo Qasaac ah, iyo waxyaabo kaloo fara badan.

Taasoo shaqaalaha waaxda fayo-dhawrka ee dawladda hoose ee Wajaale, ay ka soo ururiyeen qaybaha kala duwan ee ganacsatadda magaaladda dhamaanba wixii allaabooyin dhacay ahaa.

Waxyaabahaasi dhacay ee la gubay oo muddo lagu ururinayay xarunta dawladda hoose ee degmadda Tog-Wajaale, iyadoo kadibna ay maanta meel fagaaer ah ugu gubeen.

Sida uu sheegay xoghayaha dawladda hoose ee degmadda Wajaale, C/laahi Xasan Samaale, oo ka warbixinayay allaabooyinkaasi dhacay ee ay gubeen.

 

 

Leave a Reply