Maxkamada Maroodijeex oo Xukunno ku Riday Rag ka Ganacsanayay Harimacadyo

0
252

Hargaysa (Dawan): Maxkamada gobolka Maroodi jeex ayaa shalay xukunno iyo ganaax lacageed ku riday shan nin oo si sharci darro ah uga ganacsanayay Harimacadyo.

Shantan nin ee ay maxkamadu xukuntay ayaa hore  loogu soo qabtay degmadda Xaaji Saalax, ee gobolka Daad-madheedh.

Kuwaasoo 19-kii bishan April ay wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland oo kaashanaysay ciidamadda booliska ayaa lagu soo qabtay sagaal xabadood oo xayawaanka Harimacadka ah.

Harimacadkaasi oo ay doonayeen in ay si qarsoodi ah dalka uga dhoofiyaan, iyo laba baabuur oo ay ku siteen Harimacadyadaasi.

Shanta nin ee maxkamadda gobolka Maroodijeex xukunka ku riday oo mid ka mid ahi uu maqane ahaa ayay maxkamadu midkiiba ku xukuntay 1 sanno iyo 3 bilood oo xadhig ciqaabeed ah, iyo 3 milyan oo ganaax maaliyadeed ah.

Waxaana lacagtaasi lagu shubayo khasnadda dawladda, isla markaana haddii ay bixin waayaan loogu bedelayo xadhig ciqaabeed ah u dhigma, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha maxkamadda gobolka Maroodijeex.

Sidoo kale waxay maxkamadu ganaaxday labadii baabuur ee ay xukunsaneyaashu ku sideen Harimacadka midkiiba 1 Milyan oo ganaax Maaliyadeed ah.

“Maxkamadu waxay ku xukuntay shanta danbiile ee goob joogga ah midkiiba 1 sanno iyo saddex bilood oo xadhig ciqaabeed ah, iyo min 3 milyan oo ganaax maaliyadeed ah, oo lagu shubayo khasnadda dawladda. Haddii ay bixin waayaana loogu bedelayo xadhig ciqaabeed ah, oo u dhigma”ayuu yidhi guddoomiyaha maxkamadda gobolka Maroodijeex.

Labadda maqane, ayay maxkamadu ku xukuntay laba sanno oo xadhig ciqaabeed ah, 3 milyan oo ganaax maaliyadeed ah, haddii uu bixin waayana loogu bedeli doono xadhig ciqaabeed u dhigma.

Guddoomiyaha maxkamadda oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Maxkamadu waxay ganaaxday labadda baabuur ee ay ku sideen Harimacadka, midkiiba 1 Milyan oo ganaax Maaliyadeed ah, oo lagu shubayo khasnadda dawladda.

Maxkamadu waxay ku wareejisay lix xabadood oo Harimacad ah, oo ka nool sagaalkii xabadood ee  lagu soo qabtay xukunsanayaasha, wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland, si loo xanaaneeyo, loona daryeello”.

Geesta kale maxkamadu wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland ku wareejisay 6 xabadood oo Harimacad ah.

lixdaasoo ka noolaa sagaalkii xabadood ee Harimacadka ahaa ee lagu soo qabtay xukunsanayaasha, si loo xanaaneeyo, loona daryeello.

Dhinaca kale, xukunka maxkamadda waxaa goob joog ka ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland C/kariin Aadan Cadde, iyo agaasimaha waaxda duur joogta ee wasaaradaasi C/naasir Xuseen Siciid.

Waxaanay agaasimaha guud iyo masuuliyiinta la socday maxkamadda gobolka Maroodijeex uga mahad celiyeen xukunka ay ku riday raggaasi lagu soo qabtay iygaoo si sharci darro ah uga ganacsanayay Harimacadkaasi.

 

 

 

 

 

Leave a Reply