Benzema oo Jabiyay Rikoodh uu Lionel Messi ka Dhigay Champions League

0
412

Xiddiga kooxda Real Madrid ee Karim Benzema ayaa dhaliyay laba gool oo cajiib ah kulankii ay kooxdiisu guuldaro 4/3 a kala kulantay Man City kulan ka tirsanaa Semi-final-ka tartanka champions League isaga oo jabiyay rikoor muddo dheer uu Lionel Messi ka dhigay.

Ka dib labadii gool ee Etihad Stadium, xiddiga reer France ayaa haatan dhaliyay 7 gool Semi-final-ka tartanka champions League isaga oo hal gool dheer xiddiga 7-a jeer ku guulaystay abaalmarinta Ballon d’Or ee Lionel Messi.

Xiddiga Karim Benzema ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay isaga oo kooxdiisa ka caawiyay in ay rajo kala baxday kulanka lugta 1-aad ee ka dhacay Etihad Staduim.

Benzema ayaa dhaliyay 7 gool 15 kulan oo Semi-final-ka tartanka champions League isaga oo haatan 13 gool ka dambeeya xiddiga kooxda Man United ee Cristiano Ronaldo.

Leave a Reply