Kooxda Arsenal oo Dhamaystirtay Saxeexa Xiddiga Gabriel Jesus

0
429

Arsenal ayaa la sheegayaa in ay heshiis ka gaartay xiddiga Gabriel Jesus maalmo yar kadib markii uu 4 gool dhaliyay kulankii ay Man City xasuuqday Watford.

25 jirkaan ayaa dhaliyay 93 gool 230 kulan oo uu saftay tan iyo markii uu City kaga soo biiray Palmeiras sanadkii 2016, laakiin si joogto ah uguma ciyaaro kooxda taas oo keentay in ay Arsenal isku daydo saxiixiisa.

Jesus oo dhaliyay 18 gool 54 kulan oo uu u ciyaaray xulka qarankiisa Brazil ayaa galaya sanadkiisii ugu dambeeyay ee heshiiska Man City waxana la rumaysanyahay in ay kooxda Arsenal taalabo u qaaday sidii ay u dhamaystiri lahayd saxiixa xiddiga.

Wargayska The Athletic ayaa haatan sheegaya in ay kooxda Arsenal dhamaystirtay wax walba oo ku saabsan heshiiska iyada oo uu xiddigu ogolaaday in uu ku biiro kooxda Arsenal dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Isla wargayska ayaa sheegaya in waxa kaliya ee haatan ka dhiman heshiiska xiddiga ay tahay in ay labada kooxood ka heshiiyaan qiimaha xiddiga taas oo aan dhib noqon doonin marka uu dhamaadoa xilli ciyaareedku.

Leave a Reply