Kylian Mbappe oo Helay Codad uu Madaxweyne kaga Noqon Karo Dalka France

0
530

Waxay u muuqataa in qayb ka mid ah shacabka dalka France in ay doonayeen in uu Kylian Mbappe noqdo madaxweynahooda doorashadooda dhawaan la soo gabagabeeyay.

Sida laga soo xigtay L’Est Républicain, weeraryahanka PSG waxa uu helay 10 cod intii lagu guda jiray codbixintii doorashada madaxtinimo ee tuulada bari ee Talney.

Guud ahaan 348 cod ee tuulada laga dhiibtay, 10 ka mid ah waxa helay Mbappe iyadoo taageerayaashiisu magaca xiddiga ku qoreen warqadihii cod bixinta kadib ku rideen goobtii loogu tala galay.

Si kastaba ha ahaatee, codadka lama tixgalin maadaama doorashadii madaxtinimo ay dhex martay Emmanuel Macron iyo Marine Le Pen.

Macron ayaa ku guuleystay doorashadiisa labaad isagoo ku guuleystay 58.5% codadkii la dhiibtay, isagoo sidoo kale doonaya Mbappe inuu sii joogo PSG xilli ciyaareedka soo socda.

Leave a Reply