Dacwaddii Yaabka Badnayd!

0
439

Dacawadaha ay dadku aad ula yaabeen ee dunida ka dhacay waxa ka mid ah  markii gabadh xaflad soo jeed ay saaxibadeed ku casuuntay ku qabatay huteelada waaweyn ee dalka midkood. Kharashka xafladda ee laga rabay gabadha ayaa noqday 3000 doller.

Gabadhani  markii xafladii gebgebo ku dhowdahay ayay isku deyday inay la baxsato kharashka lacagta laga rabo. Waxaana ay doonaysay inay ka dhcado daaqad ku taallay suuliyada huteelka midkooda. Nasiib darro markii ay rabtay inay dhacdo ayay siibtay oo isla markiiba dhulka afka ku dhufatay waxaana ka dhacay ilkaheeda hore sida foolasha.  Gabadhaasi ayaa maxkamadda dacawad u gudbisay iyado sheegtay inay sabab u ahaayeen daaqadaha liita ee qofka u sahlaya inuu baxsado ama dhaco. Waxaana yaab noqotay markii maxkamaddu kiiska ku riday Huteelka iyo qaabka u dhisan yahay inay sababtay inay gabadhu ku fikirto inay baxsato sidaa awgeedna ay ganaaxday 12 kun doller inay siiyaan gabadha si ay ilkaha ugu gashato, dhaawaca soo gadhayn iska dawayso.

Leave a Reply