Erik ten Hag oo Man United ka Diraya 5 Xiddig & Liiska Xiddigaha Seeftiisu Qaadi Doonto

0
356

Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay suuqa dhigtay 5 xiddig oo kooxda 1-aad ah kadib markii uu Erik Ten Hag loo sheegay lacagta uu suuqa ku ali karo xagaaga.

Tababaraha reer Netherland ayaa qalinka ku duugay heshiis 3 sano ah todobaadkii hore waxana uu bilaabi doonaa shaqadiisa Man United dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Man United ayaa qaab xor ah ku waayi doonta xiddigaha Paul Pogba, Nemanja Matic, Edinson Cavani, Juan Mata & Jesse Lingard kuwaas oo uu heshiiskoodu dhici doono.

Ten Hag ayaa haatanba aqoonsaday muhiimada ay leedahay in uu la soo saxiixdo daafaca dhexe, daafaca Midig, hal xiddig oo khadka dhexe ah iyo weeraryahan.

Laakiin sida laga soo xigtay ESPN, Ten Hag ayaa la siin doonaa lacag u dhexaysay 100 ilaa 150 milyan oo euro taas oo aanu ku heli doonin saxiixyada uu doonayo.

Sidaas darteed Ten Hag ayaa diyaar u ah in uu iska iibiyo 5 xiddig oo kooxdiisa ah kuwaas oo kala ah Eric Bailly, Phil Jones, Anthony Martial, Alex Telles & Aaron Wan-Bissaka.

 

 

Leave a Reply