Gudoomiyaha Komiishanka Qaranka JSL oo Beeninayay Xil Ka Qaadista Lagu Faafiyay Baraha Bulshada

0
312

Hargeysa (Dawan) – Guddoomiyaha guddida Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac), ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay qoraal ka soo baxay xubno ka tirsan guddidaas oo lagu sheegay in xilkii laga qaaday Guddoomiye Cabdirashiid Riyo-raac.

Qoraal lagu baahiyay boga rasmiga ah ee guddida Doorashooyinka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa lagu sheegay in warkaasi yahay mid aan waxba ka jirin, isla markaana guddoomiyaha guddida Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac), uu wali yahay guddoomiyaha guddida doorashooyinka qaranka.

Qoraalkan ayaa lagu beeniyay isla bogan lagu baahiyay galinkii hore ee shalay qoraal lagu sheegay in guddoomiyaha guddidaas Cabdirashiid Riyo-raac laga qaaday xilkii guddoomiye-nimo isla markaana lagu badalay Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi.

Guddoomiye Cabdirashiid Riyo-raac ayaa sheegay in 25/4/2022 uu madaxweynaha Somaliland u gudbiyay qoraal uu kaga codsanayo in uu guddi baadhiseed u soo magacaabo koomishanka doorashooyinka oo muran laxaad lihi hadheeyay.

Waxaanu guddoomiye Riyo-raac soo saaray qoraal dambe oo isna isla bogga xidhiidhka arrimaha bulshada ee Facebook ee guddida doorashooyinka lagu baahiyay waxaanu u dhigna sidan.

“Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka Qaranka JSL, wuxuu beeninayaa xil ka qaadista sharci daradda ah ee lagu faafiyay baraha bulshada, isla markaana loo faafiyay si khaldan oo aan waafaqsanayn shuruucda uu koomishanku ku shaqeeyo.

Guddoomiyuhu wuxuu dhinacyada ay wada shaqaynta leeyihiin koomishanka doorashooyinka Qaranka gaar ahaan xisbiyada Qaranka iyo xukuumadda ku wargelinayaa in warka la faafiyay isla markaana ay labada xisbi mucaarad ka hadleen iyagoon hubsan uu sharciyadiisa uu yahay mid aan waafaqsanayn sharciga Koomishanka.

Dhanka kale waxa guddoomiyaha xisbiyada Qaranka, xukuumadda iyo bulshada u caddaynaya in warka xilka qaadista aan sharciga waafaqsanayn ay sababtay qoraal uu guddoomiyuhu 25/4/2022 uu u gudbiyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi, isaga oo raacaya xeerka guud ee doorashooyinka iyo diwaangelinta codbixiyayaasha Xeer Lr. 91/2020 qodobkiisa 15-aad farqadiisa 2-aad.

Qoraalkaas oo uu kaga codsaday madaxweynaha in uu guddi baadhiseed u soo magacaabo koomishanka doorashooyinka oo murax laxaad lihi hadheeyay.

Ugu danbeyn wuxu bulshada Somaliland iyo daneeyayaasha doorashooyinka ka raaligalinayaa War-saxaaafadeedka khaldan ee la baahiyay”

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply