Real Madrid oo Heshiis Cusub la Gashay Luka Modric oo 36 Jir ah

0
328

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa heshiis cusub la gaadhay laacibkeeda khadka dhexe ee Luka Modric oo qandaraaskii uu hore ugula jiray kooxdu uu ku ekaa dhamaadka xilli ciyaareedkan socda ee 2021-22,

Luka Modric ayaa ogolaaday inuu saxeexo heshiis sannad ah oo kusii haynaya Santiago Bernabeu oo uu ka yahay xiddig lama taabtaan ah oo aanay da’du wax saamayn ah ku lahayn, waxaana Carlo Ancelotti iyo maamulka kooxdu ay ka shaqeeyeen in lagu sii hayo kooxda.

36 jirkan oo tiir-dhexaad u ahaa Real Madrid guulihii ay gaadhay xilli ciyaareedkan ayaa dhaliyey saddex gool, sagaal kalena caawiyey, isaga oo dheelay 39 kulan oo dhamaan tartamada ah.

Modric ayaa xor ka noqon lahaa Real Madrid bisha June ee sannadkan, hase yeeshee Los Blancos ayaan ogolayn in xiddigan ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or uu ka tago waqtigan oo ay tamartiisa iyo xirfaddiisa ciyaareedba halkii ugu sarraysay marayaan, waxaanay isla ogolaadeen in hal sano lagu kordhiyo qandaraaskiisa.

Wargeyska AS ee kasoo baxa waddanka Spain ayaa sheegay, in dhinacyadu isku waafaqeen, in ugu yaraan 12 bilood oo kale ay sii wada joogaan, waxaana heshiiska lagu daray qodob kale oo dhigaya, in qandaraaska lagu kordhin karo 12 bilood oo kale oo dheeraad ah haddii ay Real Madrid sidaas go’aansato, taas oo ka dhigan in uu Luka Modric joogi doono Real Madrid illaa sannadka 2024.

Warka ayaa intaa ku daray, in Real Madrid ay u bandhigtay  Modric inuu shaqaalaha tababarka ka mid noqdo marka uu ka fadhiisto ciyaaraha, iyadoo qorshahoodu yahay in aanu usii ciyaarin koox kale laakiin uu xirfaddiisa kusoo gabogabeeyo caasimadda Spain.

Luka Modric ayaa Real Madrid u ciyaaray muddo toban sannadood ah, waxaana uu u saftay 430 kulan oo uu u dhaliyey 31 gool iyo 70 uu caawiye ka noqday.

Waxa uu kula guuleystay afar Champions League, laba horyaalka LaLiga ah, Copa del Rey iyo koobab kale oo badan, isaga oo sannadkii 2012 uga soo wareegay Tottenham Hotspur.

 

Leave a Reply