Ramadaan: Fadliga Sakaatul Fidriga Iyo Sida Loo Bixiyo

0
638

Fidrada macnaheeda: Waa sadaqo la bixiyo dhammaadka bisha Soon: Fidrada waajibnimadeeda waxa cadayn u ah. Waxa la waajibiyey sanadkii labaad ee Hijriyada, waana sanadkii la waajibiyey Soonka. Waxaana cadayn u ah:Ibanu cabaas wuxuu yidhi (Alaha ka raali noqdo)nabiga CSW wuxuu nagu waajibiyay fidrada wuxuuna yidhi waxay daahirinaysaa qofkii soomanaa qaladaadkii ka dhacay sida hadaladii macna la’aanta ahaa, cayda iyo wixii la mid ah.iyo in ay raashin u noqoto masaakiinta iyo Faqiiriinta Muslimiinta, isla markaana maalintaa Ciida ay baryada uga kaaftoomaan.

Wakhtiga ay waajibto iyo qofka ay ku waajibto

Waxay waajibtaa maalinta ugu danbeysa ee bisha soon,(2) (asxaabta rasuulka SCW waxaa ka sugnaatay inay bixiyeen maalin ama laba maalmood ka hor maalinka ciida ah,(3) waxaa ugu danbaysa bixinteeda salaada ka dib),waxay ku waajibtaa qofkasta oo muslim ah oo haysta wuxuu cuno asaga iyo dadka uu masuulka kayahay maalinka ciida ah iyo habeenkeeda wax ka dheeraad ah. Xukunka Sakaada Fidridu waa ku waajib qofkasta oo Muslima oo haysta cunto ka badan Isaga iyo Caruurtiisa maalinta Ciida iy Habeenkeedaba, waxaana u daliila Xadiiskan:

Sida la inoo sheegayna waxa fadli badan in la bixiyo Salaada Ciida ka hor. Sida xadiisku inoo sheegay waxa la yidhi “Haddii la bixiyo intaan Salaada la gelin waa Fidro, hadii la bixiyo Salaada ka dibna waa sadaqo’’.

Cabirka la bixinayo iyo noocyada lagu bixinayo

Abii saciidul khudri Alle ha ka raali noqdee wuxuu yidhi waxaanu ahayn kuwa bixiya xiligii nabiga SCW (saac oo raashin ah)(5) saacu wuxuu u dhigmaa laba kiilo iyo badh, cuntada la bixinayo waa cuntada dadka badankii cunaan sida Bariiska, Baastada, Daqiiqda, sonkorta, qamadiga…. i.w.m.(6) Nabiga SCW iyo asxaabtiisa Alle ha ka raali noqdee kama sugnaanin inay lacag ku bixiyeen taa macnaheeda wuxuu yahay lacag laguma bixin karo, laakiin lacagta aad ku bixiseen waa in raashin loogu gadaa masaakiinta, ee aanan lagu siin lacag cadaan ah.

Yaa la siinayaa

Waxaa la siinayaa Qof kasta oo miskiin ah iyo Todobada kale ee ay Aayada Sheegtay, waxaan ajar badan, oo waliba Afdal ah inaad siiso Masaakiinta Magaalada kula joogta, miskiinka waa Qof kasta oo aan haysan wax ku filan.

See loo bixinayaa

Qofkasta oo bixinaya Sakaatulfitriga waa inuu raadiyo miskiinka Ehelkiisa ah, haddii la waayo miskiinka Deriskiisa ah, haddii la waayana Qof kasta oo Muslima ah.

Dadka aan la siinayn: la siin maayo: Faracaaga, Waaliidka iyo Ooridaada

Salaada Ciida iyo Tukashadeeda

Ciiduhu waa kuwo fac wayn, oo waxaa ummad kastaa lahaan jirtay ciido ay iidaan, munaasabad kasta oo weynna waxay ka dhigan jireen iid ay iidaan, faraxooddana ay muujiyaan, ka dib markii Islaamku yimid ayuu wuxuu bedelay iidihii hore, isaga oo ku bedelay iido ka khayr badan, waxaana ku sugan xadiis saxiix ah oo uu wariyey Abuu Daawuud in Rasuulka SCW uu magaalada Madiino yimid, iyada oo reer Madiina ay leeyihiin laba maalmood oo ay ciyaaraan, markaas ayuu Rasuulka SCW waydiiyey waxay ay yihiin labadaas maalmood, markaasay ku yidhaahdeen: waa laba maalmood oo aan waagii jaahiliyada aan ciyaari jirnay, markaas ayuu ku yidhi: “Ilaahay wuxuu idinkugu bedelay labadaa maalmood laba ka khayr badan oo kala ah maalinta Ciidul-Fitriga iyo maalinta Ciidul-Adxada, labadaa iidood Ilaahay ayaa ummadda Nabi Muxammed SCW siiyey.

Waxayna labadaas iidood ka daba maraan laba tiir oo waawayn oo ka mid ah shanta tiir ee Islaamka, labadaas oo kala ah: soonka iyo xajka, maalmahaa inay dadku nafta u raaxeeyaanna waxay ka mid tahay waxyaabaha Ilaahay uu jideeyey, sidaa awgeed waxaa bannaan ciyaaraha nooc kasta oo ay yihiinba, haddii laga ilaaliyo waxyaabaha shareecadu aanay ogolayn, sida cowrada oo la banneeyo, ragga iyo dumarka oo is-dhex gala, sidaas oo kale waxaa bannaan heesaha, laakiin waa inaan ruuxna lagu caynayn, wax xunna aan lagu faafinayn, laguna faaninayn sida qamro iwm, muustikana aan la raacsiinayn.

Waxaana isku mid ah ragga iyo dumarka, waxaa uu xusay xadiis saxeex ah oo ay wariyeen culummo ay ka mid yihiin Bukhaari iyo Muslim in: “Maalin iid ah iyada oo ay ku ciyaarayaan masjidka Rasuulka SCW niman Xabashi ahi uu Rasuulku SCW Caa’isha (a.k.n) u yeedhay, dabadeedna ay fiirsatay ciyaartoodii ilaa ay ka bogatay, iyada oo weliba ciyaarta ka fiirsanaysey oo taagnayd Rasuulka SCW gadaashiisa, iyada oo dhabankeedu uu saarnaa dhabankiisa, wuxuuna Rasuulku SCW maalintaa yidhi: “Ha ogaato Yahuuddu in diinteeennu ay leedahay fasax iyo wakhti damaashaad iyo tamashlayn.”

Sidoo kale waxay wariyeen Bukhaari iyo Musim in: “Caa’isho ay tidhi: maalin iid ah ayaa iyada oo ay ila joogaan laba gabdhood oo heesaya, ayaa waxaa ii soo galay Rasuulka SCW, dabadeedna ku seexday firaashka, wuxuuna huwday maro, dabadeedna waxaa soo galay Abuu Bakar, wuxuuna canaantay labadii gabdhood isaga oo diiddan waxa ay Rasuulka SCW ku ag samaynayaan, markaas ayuu Rasuulku SCW maradii iska fayday, kuna yidhi Abuu Bakar: “iska daa, qolo waliba waxay leedahay iid, tanina waa iiddeeniiye”, laakiin waxaa la rabaa in falalka lagu kacayo oo muujinaya farxadda iyo rayn-raynta sida cuntada, cabitaanka iyo ciyaaruhuba aysan xadkooda dhaafin, Ilaahay ka cabsashaddiisana aan la hilmaamin.

Islaamka ma laha iido aan ahayn kuwaa aan soo xusnay, laakiin dadka badan oo muslimiinta ka mid ah ayaa waxaa lagu ibtileeyey inay samaystaan iido kuwaa Islaamka aan ahayn, sida iidda dhalashada qofka, iyo iido loo sameeyo boqorrada iyo madaxwayneyaasha, sida maalinta ay kursiga xukunka ku fadhiisteen, maalmo qowmiyadeed IWM. Sidoo kale iidaha bidcada ah oo shareecada wax idan ah aan ka haysan. Sidoo kale waxa ah Kirismiska iyo sannadka cusub oo loo yaqaanno “Habbi niyuu yeer/Happy new year” iwm.

 

 

 

Leave a Reply