Wasiirka Warfaafinta oo Kormeeray Mashaariic laga Fulinayo Xarunta Wasaaradda

0
227

“Waa in aynu wada shaqayno oo wada ehel noqo” Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Mudane Saleebaan Cali Koore

 “Soddon Sanno oo aan joogay Wasaaradda Warfaafinta Waa Markii 1aad ee la Hagaajiyo Studuudiyayaasha Radio Hargaysa” Eng Jarmal

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-gelingta Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa ka hadlay shaqada ay qaranka Somaliland u hayaan waaxyaha kala duwan iyo shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta.

Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa waxa uu sheegay in uu ku faraxsanyahay sida ay ula shaqaynayaan shaqaalaha, waxaana uu tilmaamay in loo baahanyahay in lays ixtiraamo.

Wasiir Koore ayaa sidan ka sheegay Kormeer uu ku soo sameeyay Mashaariicaha horumarineed ee ka socda xarunta Wasaarada Warfaafinta.Waxaana uu yidhi “Wasaarada waxa lagu yaqaaanay Wasaarad iska hortimaada oo ismaagta waana Wasaarad shaqadeedu joogsanayn 24ka Saacadood, dadka kale wakhti go’an ayay shaqada qabtaan oo ay ka baxaaan.”

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-gelingta Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore waxa kale oo uu shaqaalaha wasaaradda ku boorriyay in la is ixtiraamo oo si walaal-nimo ah loo wada shaqweeyo waxaanu yidhi “In aynu is ixtiraamno ayaa laynooga baahanyahay oo aynu u wada shaqayno. qof kastaana Qaranka ayuu u shaqeeyaa, markaa waxa aad ka sharfan tahay qofka meesha gaarka loo leeyahay ka shaqeeya, waana in aynu wada shaqayno oo wada ehel noqo oo xaq isku leh oo hadii qofku gacan bidixayn dareemo wuu ila hadli karaa xataa hadii uu gacan bidixayn aniga iga tirsanayo waa inuu yidhaahdo Wasiir adiga qudhaada waxbaan ka tirsanayaa, gar ayuu u leeyahay, markaa waa in aan qanciyo in aad cid u garawdo bini,aadam ayaad tahay aad ayaan ugu faraxsanay.intii aynu wada shaqaynaynay dhibtii laydiku sheegayay idikumaan arag Wasaarada Horumar fiican ayaa ka muuqda”.

Eng Maxamed Jaamac Cigaal Jarmal oo ah Engineer ka tirsan wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyi-gelinta Somaliland ayaa wasiirka warfaafinta uga warbixiyay mashariic horumarineed oo lagu casriyaynayo Istuudyaasha idaacada Radio Hargeysa, halkaasi oo laga hirgelinayo kuwo casri ahoo la jaanqaadi kara warbaahinta caalamka.

Eng Maxamed Jaamac Cigaal Jarmal oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Soddon Sanno oo aan joogay Wasaaradda Warfaafinta Markii Koowaad ee La Hagaajiyo Studuudiyayaasha Radio Hargaysa” Eng Maxamed Jaamac Cigaal Jarmal.

 

 

 

 

Leave a Reply