Wejiga Labaad ee Xoolaynta Ganacsataddii Ku Hanti Waayay Suuqa Waaheen oo la Daah-Furay

0
465

Hargaysa (Dawan): Guddiga taakulaynta suuqii gubtay ee Waaheen ayaa qaybo ka mid ah dadkii ganacsatadda ahaa ee suuqaasi ku xoolo waayay u qaybiyay lacago cawil-celin ah loo qorsheeyay.

Ganacsatadaasi lacagaha loo qaybiyay ayaa ahaa kuwii uu dakhligoodda ama hayntoodda dhaqaale ay u dhaxaysay $5,001 dollar ilaa $480, 000 oo dollar, (shan kun iyo koow dollar ilaa afar boqol iyo sideetan kun oo dollar).

Waxaana xubnahaasi ganacsatadda ahaa lacagaha loo qaybiyay ay isku gayntoodu dhamayd $6,766,418 (Lix Milyan, toddoba boqol iyo lix iyo lixdan kun, Afar boqol iyo siddeed iyo toban) dolar.

 

Wejiga labaad ee taakulaynta qaybo ka mid suuqii Waaheen waxaa si rasmiya u daah-furay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo ay wehelinayeen xubno ka mid ah guddiga taakulaynta suuqa Waaheen.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, oo hadal ka jeediyay munaasibadii bilawga qaybinta wejiga labaad ee taakulaynta ganacsatadda suuqa Waaheen oo lagu qabtay xarunta wasaaradda diinta iyo awqaafta ayaa bogaadiyay guddida heer qaran ee hawshan gacanta ku haysa.

Waxaanu Saylici, guddiga ku amaanay sida xilkasnimada leh ee ay dedaalka u wadaan, isagoona ku baaqay in la sii xoojiyo dedaallada qaadhaan ururinta ee guddo iyo dibad ba ka socda.

Waxaanu yidhi, “Iyadoo dedaal aad iyo aad u balaadhan la sameeyay, waxaan iyo aad ugu mahad naqayaa guddiga gurmadka qaranka ee suuqa Waaheen ee uu madaxweynuhu magacaabay, oo hawshani ka soo shaqeeyay.

Kuwaasoo isugu jira guddiga ganacstadda iy culimadda, guddiga suuqa Waaheen, oo aan iyaga si gaara ah ugu mahad naqayo. Sababtoo ah? Iyagoo ah dadkii ay dhibtu gaadhay ee suuqa Waaheen ee hantida badani ka gubatay, oo halkii ay dantoodda gaarka ah ku toosi lahaayeen, ama haddii ay wax hanti ahi u hadheen ganacsigoodii sii wadi lahaayeen, in ay xilkaa weyn isa saareen, aad iyo aad baan ugu mahad naqaynaa guddiga suuqa Waaheen”.

C/raxmaan Saylici, waxa kaloo uu u mahad celiyay jaaliyadaha reer Somaliland ee daafaha caalamka ku kala nool oo ku hawlan qaadhaan ururin lacageed, iyo sidoo kale dawladaha iyo haayadaha caalamiga ah, iyo wadamadda Somaliland la jaarka oo uu sheegay in markii u horaysay ee ay dhibaatadii suuqa Waaheen dhacday in ay u soo gurmadeen shacabka Somaliland.

“Waxa kaloo aan u mahad naqaynaa dhamaanba jaaliyadaha reer Somaliland ee ku nool wadamadda dibadda, oo ku hawlan lacag ururin, oo aan wax weyn ka rejaynayno. Waxa kaloo aan u mahad naqaynaa dawladaha inala jaarka ah, oo iyadu markii u horaysay ba in soo gaadhay. Wixii ay ina soo tari karayeena ina soo taray. Waxa kaloo aanu aad ugu mahad naqaynaa wadamadda caalamka ee aynu saaxiibadda nahay iyo kuwa aan wada shaqaynta leenahay, oo ay ka mid yihiin ururka Midawga Yurub, Maraykanka, iyo cid kastoo hawshan inagala qayb qaadatay ba”ayuu yidhi Saylici.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa ugu bushaareeyay ganacsatadii ku hanti waayay suuqa Waaheen ee magaaladda Hargaysa in ay ka xukuumad ahaan qabaan rejo aad u fiican qabaan in ay dhaqaalihii loo qoondeeyay heli doonaan.

Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Waxaan ugu bushaaraynayaa ummadda reer Somaliland gaar ahaana ganacsadii suuqa Waaheen ee ay dhibaatadu ku dhacday, rejo weyn ayaanu qabnaa runtii. Wejigii hore ee 990-ka qof lacagaha la siiyay, iyo kan maanta (28-kii bishan) ee 1016-ka qof (kun iyo lix iyo toban qof) la siinayo, intaasi waa hantidii Somaliland gudaheedda iyo wax aan badnayn oo dalalka aynu jaarka nahay inooga yimid. Laakiin, haayadihii caalamiga ahaa weli way inoo maqan yihiin oo waan sugaynaa. In aan inagu horta wax is tarno, oo aan hawsha ku horayno, oo aynu wax istarno, 28-ka maalmood ee ka soo wareegtay markii uu suuqa Waaheen gubtay. Taasi waxay keentay in tallaabadii koowaad aynu qaadnay”.

Geesta kale ganacsatadan lacagaha loo qaybiyay oo tiradoodu dhamayd 1016 qof ayaa noqonaya qaybtii labaad, iyadoona hore lacago loogu qaybiyay 990 qof oo si buuxda loo wada siiyay dhaqaalihii ay xaqa u yeesheen.

Halka 1016-kan qof ee wejiga labaad ah aan si buuxda loo wada siinin dhaqaalihii ay xaqa u yeesheen markii la soo qiimeeyay hantidii ka gubatay. Basle ganascatadaasi 1016-ka qof ahaa waxa la siinayay wax aad u kooban, marka loo eego wixii ka gubtay.

Iyadoona aan halkaa lagu dayn doonin, hase yeeshee mar labaad ayaa lacago la siin doono, taasoo ku xidhan hadba siday wax u yimaadaan, sida uu sheegay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici, isagoona xusay in wadamadda beesha caalamka ka rejaynayaan in ay si weyn uga qayb qaataan dib u dhiska suuqa Waaheen.

“Dadkii hore ayuun baa la hubaa in woxoodii 100% loo siiyay. Laakiin, qaybtan maanta (28-kii bisha) la siinayo, ee 1016-ka qof ah, waxa laga siinayaa waa wax aad u kooban wixii ka gubtay. Halkaana lagu dayn maayo. Balse hadba siday wax inoogu yimaadaan ayay ku xidhnaan doontaa in mar labaad wax lagu celin doono, oo wax lagu celin doono insha ALLAAH.

 

Dhismihii suuqu na wuu inna sugaa. Taana rejo fiican ayaan ka qabnaa, oo haddii ALLE SWT idmo, suuq kii hore ka quru badan, intii uu qaadi jiray saddex laabkeed qaadda ayaa hawshiisa la gelayaa, dhaqaalihiina waa la helayaa, insha ALLAAH. Saaxiibadeedna caalamka waxaan ka rejaynaynaa in ay dhismaha suuqa Waaheen qaybta ugu weyn ay qaadan doonaan, insha ALLAAH.

Ganacsadii ku xoolo waayay suuqa Waaheen, waxaan leenahay hore ba waad u sabirteene, inta hadhay na waad ku sabraysaan, oo dawladiina, ganacsatadiina, iyo dawladaha iyo haayadaha aan saaxiibka nahay ba, waa la idiin maqan yahay, wixii kale ee suurto gal ah waa la idiin qaban doonaa”.

Dhinaca kale, madaxweyne ku-xigeenka ayaana 20-kii qof ee u horeeya ee dadkaasi lacagaha loo qaybinayay gacanta ka siiyay lacagahoodda, halka inta kalena loogu kala diray lacagaha lanbarradoodda gacanta ee Zaadka iyo eDahab-ka.

 

 

 

 

 

Leave a Reply