Arrimaha Caanka Ka Noqday Caalamka!

0
429

Dhaqanka salaanta ciidanka ee caanka dunida ka ah ayaa soo bilaabmay wakhti fog, waxaana ay sheegeen taariikh yahanadu in salaantaasi ay bilaabantay waayadii dhexe oo ah wakhtigii ugu horeeyay ee la isticmaalo.  Sida lagu qoray buugaagta taariikhda waxa jiray wakhti ay boqortooyadii Roomaanku oo dunida xoog ku lahayd ay la kulantay shirqoolo iyo dilal joogto ah, kuwaasi oo la dili jiray madaxda saraakiisha ciidamada.

Waxaana ay sheegeen inay debenkaasi la soo saaray in qof kasta oo u soo dhowaanaya isla markaana doonaya inuu la sheekaysto saraakiisha ciidanka uu gacantiisa midig kor u taago si loo ogoaado in aanu wax hub ah sidan.

 

Muddo ka dibna waxa arinkaasi ku faaftay in dadka safarka ahi ay salaantaasi siiyaan ciidanka ilaalada goobaha ay joogaan si loo arko in aanay sidan wax hub ah ama aanay  usocon inay dhibaateeyaan ciidanka.

Iyadoo intaasi ka dib laga dhigay caado joogto ah oo askartu ay madaxdooda gacanta midig kor ugu qaadaan iyagoo saaraya dhoofarka. Wakhtiyadan danbena waxa ay noqotay amar iyo tixgelin ay siiyaan ciidanku madaxda iyo kuwa shicibka ah ee ay salaamayaanba.

 

Leave a Reply