Minnesota: Xuska 18 May iyo Xubnaha Dawladda Màraykanka ee Lagu Casuuumay

0
417

 

Minnesota(Dawan):-Waxaa si wayn uga socota magaalada Minnesota ee dalka Maraykanka qaban qaabada iyo u diyaar garawga xuska maalinta Qarannimada Somaliland ee 18-ka May,munaasibaddaas oo ay isugu imanayaan jaaliyadda Somalilamnd eek u dhaqan gobolo badan oo ka mid ah dalka Maraykanka ka dib markii Jaaliayadda Somaliland ee Minnesota ay noqotay jaaliyadda Marti geinaysa munaasibadda xuska  maalinta qarannimada Somaliland ee 18 May, oo ah sannad guuradii 31 aad ee ka soo wareegtay maalintii lagu dhawaaqay la soo noqoshada madaxbannaanida Somaliland ee 18 May 1991.

 

Guddoomiyaha jaaliyadda Somaliland ee Minnesota Ismaaciil Axmed Jaamac(Sandheere) oo waraysi gaar ah siiyay wargeyska Dawan isagoo ku sugan Minnesota,ayaa ka hadlay qaban qaabada ay ugu jiraan  xuska iyo waynaynta maalinta qarannimada Somaliland ee 18 MAY, iyo gobolada dalka Maraykanka ee la isaga kala imanayo.

Waxaa kale oo uu ka hadlay xubno ka tirsan dawladda Maraykanka ee heer Federaal iyo heer gobo lee ay ku casuumeen iyo xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuquraadiga oo ay xubno ka soo casuumeen.

Waxaanu xusay in sannadkan ay si wayn isu abaabuleen isla markaanay  ay doonayaan in ay noqoto munaasibad ka wayn kuwii sannadihii hore ay ku xusi jireen maalita qarannimada Somaliland.

Guddoomiye Ismaaciil Sandheere oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay sida ay ugu diyaar garoobeen xusbka maalinta qarannimada Somaliland ee ay ku qabanayaan Minnesota,ayaa ku jawaabay.” qaban qaabada debbaal degga maalinta qarannimada Somaliland ee 18 May  waxay noo maraysaaa meel aaad u wanagsan waxaanan rejaynaynaaa inay noqoto tii ugu wanagsaneyd ee nasoo marta baryahaaas

Hadaan kaga waramo bulshada sanadkan aanu filaynaaa mid kabadan bushadiii sanadihii la soo dhaafay waaayo hadda waaanu ka sii badaney waxaaanan ku qiyaasi karaaa dad gadhaya illaa 1500 inay kor u dhaafayso.”

 

Mar uu ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay in ay jiraan cid ka socota dawladda Maraykanka oo ay ku soo sacuumeen,ayuu yidhi. “waxaan casuunay madax heer gobal minnesota illaa heer fadaraaal  senetka madax ka tirsan iyo congress ka Maraikanka iyo iyagoo isugu jira  Republican and democratic ba.”

 

 

 

 

 

 

Guddoomiyaha jaaliyadda Somaliland ee Minnesota, oo wax laga waydiiyay socdaalkii Madaxweynaha Somaliland ku tegay dalka Maraykanku wuxuu jaaliyad ahaan usoo kordhyay,ayaa yidhi. “ horta socdaalkii madaxwaynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayay ay  ku yimaadeen USA. Wuxuu ahaaa socdaaal taariikhi ah  oo sameeyey  shucuurta reer Somaliland  ee ku nool North American oo dhan gaar ahaaaan dadka reeer Somaliland American ka ah  anigu waxaan ka mid ahaa dadkii toos u dhexjoogay marku weftiga Madaxwaynaha somaliland jogeen  Washington DC.  Safarkaa shaqo waa midda koobade ee  Washington waa saaxada adduunka looga dabqaaado markaa ta koowaaad dee sharaf ayey noo aheyd Dowlad dayadiiii oo si sharafleh loo maamuusay oo magaciii Somaliland ayaa  qabsaday wararka  oo annaga farxad iyo  ayey nagalisay oo war keeniii baaa headline ka ku jiray oo madaxdii dalkan u sarreysay in ogayd iyo in aan ogeynba la gaadhsiyey waxaaanan ka faa’iidnay isku duubnaan ka badan safarkaaa  hadaan ku soo laabto nuxurka su aasha Communety balladhan oo Somaliland  American ah oo lagu xisaabtamo  iyo iyaga iyo dowlada Somaliland  oo ku kala yimid wada shaqeyn iyo kala faa’iidaysi labada dhinac jaaliyad ahaanna  waxay noo noqotay meel la isku arkay waxaan odhankaraaa dhiiri gelin  wadaniyad  ah,Ayaan ka helnay.”

 

 

Mar uu ka hadlayay jaaliyadda reer Somaliland ee Maraykanka siday ula dhaqanto dawladda Washigton,ayuu yidhi. “ kollay  halkan guud ahaaan jaaliyad walba sideeeda ayaa loo citiqaaadiyaaa waanay ogyihiin in aanu laba jaaliyadood oo kala dawlad  iyo kala dalal ah aanu nahay anaga(Jaaliyadda Somaliland) iyo jaaliyadda Soomaaliya, sumadayada aanu ugu diiwaaan gashannahay waa  Somaliland’s markaa dalkan waa loo simanyahay jaaliyadaha ku dhaqana way badan yihiiin markaaa ta Somalia na sidaaa jaaliyadaha kale ayuun baaa dawlada maraykanku ula macaamishaaa anagana as Somaliland  waxay dawladu ula macaaaamishaaa sida jaaliyadaha xuquuq bay jaaliyad waliba leedahay xataaa xisbiyda Jamhuuriga iyo DImuquraadigu way naga soo radsadaaan as Somaliland’s cod.”

Mar uu ka hadlayay siday ugu diyaar garoobeen ka jaaliyad ahaan in ay ka dhex muuqdaan siyaasadda dalka Maraykanka isla markaana ay ka qayb galaan doorashooyinka deegaanada ee  Maraykanka,ayuu yidhi. “ dedaalka jaaliyadaha ayuun bay ku xidhanthay anagoo ah Somaliland  ayuu albaab waliba noo furanyahay wana laga yabaaa inay  sameyn dheerada yeeelato mustaqbalka fog

Dad  cadcad oo hankoodu sarreeya way jiraaan oo isu diyarinaya jagooyin heer dagaan  illaaa heer fedaralba inay u tartamaan laakiin hal gabadh ayaan illaa hada ogahay oo cadeysatay Lakiin waan rejaynaynaaa inay insha ALLAH dhallinyaro  hablo iyo innamo ba leh ayaa hada hankoodu aad u sareeeya.”

 

Ugu dambayn waxaa uu ka hadlay siduu u qabsoomayo xuska munaasibadda maalinta qarannimada Somaliland ee 18,May Minnesota waxaanu xusay in laba debbaal deg u kala qorsheeyeen oo kala ah mid kulan hotel wayn ay ku qabsanayaan oo Jimcaha 20 bisha ay qabanayaan oo la isugu imanayo jaaliyadda reer Somaliland iyo xubnaha ay dawladda iyo siyaasiyiinta ka casuumayaan ba  ay kulankaa xuska qabanayaan isla markaana ay war baahinta caalamiga ahna ku soo casuumayaan.

Waxaa  kale oo uu intaa raaciyay in maalinta Sabtida na ay  barxadaha caanka ah ee magaalada ay ku qabsanayaan kulan wayn oo ay isugu soo baxayaan isla markaana ay baabuurtooda ku soo xidhayaan calanka Somalilad isla markaana illaa carruurta ay isugu soo baxayaan.

Waxaanu farriin u diray jaaliyadda reer Somaliland. “Waxaan Leeyahay dhamaaan qurba joogga reer Somaliland   waxaa la inugu xantaa way kala socdaan  aan isku duubnaano waliba gaar ahaan ayaamaha muqadaska, annagu minnesota waan dhanaaa sidii hore sanadkan waxaaad moodaa masiibadii suuqa   Waaheen  inay dadkii midaysay waxaaanse ku farxsanahay inaanu sanadkan  xisbi iyo qoloqoloba aan daaaqada ka saarnay. Illaaa gurmadkiii Waaheen illaaa 18.May in aanaan  u kala hadhin,reer Somaliland  waxaan Leeyahay waxaynu nahay hal umad hal dad oo leh hal dal inagoo ku farxsan inaynu labada walaalaha ahi kala xisbi ay noqon karaan hadana aynu u midaysnaano  guusha Qarankeenna Somaliland.”

 

Leave a Reply