Islaamka Iyo Werwerka

0
233

Rasuulka Allah (scw) ayaa maalin Masaajidka ku arkay saxaabiga la odhan Abu-Umaama oo fadhiya waxaana uu ku yidhi : “ Waxaan arkaa adigoo Masaajidka fadhiya iyadoon wakhtiga salaadda ahayn. Saxaabigaasi ayaa ugu jawaabay “ Rasuul Allow (scw) dayn iyo werwer ayaa i haysta”   Waxaana Rasuulku (scw) ku yidhi “ Ma ku baraa duco haddii aad akhrido Allah (sw) kaa faydayo werwerka , dayntana kaa gudayo” Saxaabiga ayaa ku yidhi “ Haa Rasuulkii Allow (scw)”  Rasuulkuna (scw) wuxu ku yidhi waxaad akhridaa markaad waabriisato iyo markaad gabal dhacsato”

 

“ Allahayaw waxaan ka magan galay hamiga iyo murugada, waxaan ka magan galay caajisnimada, fulaynimada iyo bakhaylnimda , waxaan kaa magan galay in dayni iga xoog badato , Raguna iga guulaysto”  Saxaabigaasi (rc) ayaa yidhi sidaasi ayaan sameeyay Allah (sw) wuu iga qaaday hamigii iyo murugadii i haysatay.

 

Leave a Reply