Sadio Mane oo Ogolaaday inuu Iskaga Tago Liverpool & Sababta ku Kallifaysa oo la Shaaciyey

0
216

Xiddiga reer Senegal ee Sadio Mane ayaa la sheegay inuu ogolaaday inuu iskaga tago kooxdiisa Liverpool, xilli dhamaadka qandaraaskiisa Anfield ay ka hadhsan yihiin 14 bilood oo kaliya.

Mane ayaa lagu soo warramayaa in uu dabada ka riixi doono in Liverpool ay iibiso xagaagan maadaama sannad kali ahi ka hadhsan yahay waqtigiisa, haddii kalena uu si xor ah uga tegi doono sannadka dambe, taas oo cadaadis weyn iyo kala-doorashooyin xun ku noqon doonta tababare Jurgen Klopp.

Laacibkan oo ka mid ah xiddigaha  ugu cadcaad ee loo saadaalinayo abaal-marinta Ballon d’Or, waxa uu doonayaa in uu kordhiyo fursadda uu ugu guuleysan karayo xiddigga adduunka, si uu taas u sameeyana waxa  uu qorshaynayaa inuu iskaga tago Liverpool.

Sida uu qoray wargeyska Mundo Deportivo, Mane waxa uu diyaar u yahay oo uu albaabada u furay Barcelona oo hore loola xidhiidhiyey, waxaanu kooxdan u arkaa inay tahay naadi ku habboon qaab-ciyaareedkiisa oo uu u sahli karta inuu ku guuleysto Ballon d’Or, haddii uu bilaha hore ee xilli ciyaareedka foodda inagu soo haya uu si fiican uga dheelo Camp Nou.

Sannadkii 2019 ayuu Sadio Mane ugu dhowaa hanashada Ballon d’Or oo uu soo galay kaalinta afraad markii ay kooxdiisa  Liverpool ku guuleysatay Champions League, haddana waxa uu qorshihiisu yahay inuu sameeyo wax kasta oo u fududayn karaya inuu sannadkan ku guuleysto abaalmarintan.

Warka ayaa intaa ku daray, in Barcelona  uu la dhacsan yahay isla markaana ciyaartoydeeda iyo qaabka uu Xavi Hernandez iskugu dubba-riday uu u arko mid ka caawinaysa hammigiisa.

Kooxda reer Germany ee Bayern Munich ayaa la sheegay in ay iyaduna danaynayso Mane oo ay u aragto mid ka mid ah xiddigaha shanta sannadood ee soo socda ka caawin karaya inay guulo waaweyn gaadho.

Si kastaba, Liverpool ayaa la sheegay inay miiska la fadhiisatay Sadio Mane oo ay u bandhigtay heshiis cusub laakiin aanay wali waxba isla meel dhigin, isla markaana uu laacibkani saluug badan ka muujinayo kooxda, gaar ahaan sida  loola macaamilayo Mohamed Salah oo lacago badan dalbanaya kaas oo uu doonayo inay isku kiis noqdaan oo mushaharkoodu isku mid noqdo.

Salah ayaa la sheegay inuu dalbanayo mushahar la mid ah midka Cristiano Ronaldo oo ah ciyaartoyga ugu mushaharka badan horyaalka Premier League, waxaanay qandaraaskiisa iyo midka  Sadio Mane dhacayaan isku waqti, hal sano ayaana labadoodaba uga  hadhsan heshiiskii ay kula jireen Liverpool.

Leave a Reply