NIN MEELI U CADAHAY MEELI KA MADOW”

0
536

Qore Cabdiraxmaan Cadami

Waxaan si dhug leh u dhagaystay khudbadii madaxweynaha JSL ka hor jeediyay labada Gole oo wada jira si aan u qiimeeyo qodobada iyo nuxurka ay xanbaarsantahay, sidaas oo kale waxa iyaguna dhagaysanayay ama daawanayay malaayiin reer Somaliland ah oo iyaguna dhinacooda ka qiimaynayay. Madaxweynuhu wuxu ka hadlay arimo badan waxase aniga si gaar ah u danaynayey mashaariicda tirada badan ee dalka laga hir galiyay iyo kaabayaasha dhaqaalaha oo muhiim u ah isku socodka badeecadaha iyo kobaca dhaqaalaha, waxa kale oo xusid mudan sida xukumadu xooga u saartay “sector-ka” biyaha sida ceelasha, baliyada, iyo biyo-xidheenada. Waxaan bogaadinaya dhameystirka wadada Burco-Cerigaabo iyo dhismaha Dekeda Maydh, waxase loo bahan yahay in la sameeyo wadadii isku xidhi lahayd dekeda cusub iyo Ceerigaabo. U jeedadaydu ma’aha xukuumadu in ay wax wayn qabatay marka loo ego baahiyaha dalka ka jira iyo waxa looga fadhiyo in ay qabato. “So little done, so much to do”, said by (Cecil Rhodes). Si kastaba ha ahaate waxay ahayd khudbad rajo u abuuraysa dadweynaha iyo mustaqbal soo ifaya waana astaamaaha lagu garto hoogamiyaha fiican, haseyeeshe madaxda iyo tagerayaasha labada xusbi mucaarid umay cuntamin soo manay dhawayn khudbadii madaxweynaha laakiin dadweynuhu way ka biyo-diideen dhaliisha qayaxan ee mucaaridka, mucaaridku madaxweynaha waxay ka sugayeen oo kaliya in uu u sheego wakhtiga la qabanayo doorashada madaxweynaha wax kaleba diyaar umay ahayn in ka dhageystaan. Somaalidu waxay tidhaahda: “Nin meeli u cadahay meeli ka madow.” Madaxweynuhu wuxu umadda u sheegay wixii uu xukumadiisu qabatay iyo waxa ay qaban doonto. Mucaaridku iyagu dadweynaha maxay u shegayaan oo aan dhaliisha xukumada ahayn.

Cabdiraxmaan Cadami

abdirahmanadami33@yahoo.com

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply