Arsenal oo Qaadday Tallaabadii ay ku Heli Lahayd Gabriel Jesus & Toadoba Kooxood oo kale oo ay Isku Haystaan

0
189

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa  qaadday tallaabo ay kusoo xero-gelinayso weeraryahanka reer Brazil ee Gabriel Jesus maalin kaddib markii ay Manchester City lasoo wareegtay gool-dhaliyaha reer Norway ee Erling Haaland.

Wakiilka Gabriel Jesus ayaa xaqiijiyey, in ay wada-hadallo u socdaan Arsenal, waxaana uu qiray, in xiddigani uu la dhacsan yahay mashruuca kooxda woqooyiga London iyo sida uu iskugu dubba-riday Mikel Arteta.

Gabriel Jesus oo qandaraaskiisa Etihad Stadium uu soconayo illaa sannadka 2023 ayaa la filayaa inuu ka tago Man City oo uu boos la’aan ku noqon doono kaddib markii ay kooxdaasi gacanta ku dhigtay Erling Haaland oo Salaasadii lagu dhawaaqay heshiiskiisa.

Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta ayaa in muddo ah doonayay inay dib u midoobaan Jesus oo ay hore usoo wada shaqeeyeen markii uu gacan-yaraha u ahaa Pep Guardiola ee uu joogay City.

Gunners oo si aad ah ugu baahan weeraryahan kaddib markii uu bishii January si xor ah uga tegay Pierre-Emerick Aubameyang oo ku biiray Barcelona iyo sidoo kale labada ciyaartoy ee ay hadda haysato ee Alexandre Lacazette iyo Eddie Nketiah oo qandaraasyadoodu ku egyihiin xilli-ciyaareedkan socda ayaa u aragta Gabriel Jesus inuu yahay weeraryahanka ay u baahan yihiin.

Wakiilka Gabriel Jesus oo lagu maagacaabo Marcelo Pettinati oo la hadlay wariye Fabrizio Romano ayaa yidhi: “Waxa aanu Arsenal ka wada-hadalnay heshiiska Gabriel Jesus, waanu ka helany mashruucooda, waana suurtogal inuu tago, wada-hadalladuna way socdaan.”

Waxa kal eoo uu Pettinati xaqiijiyey in ay jiraan illaa lix kooxood oo kale oo iyaguna doonaya 25 jirkan, waxaanu yidhi: “Waxa jira lix kooxood oo kale oo xiisaynaya Gabriel – kulamada ugu dambeeya xilli ciyaareedka Man City ayuu hadda diiradda saarayaa, waanaynu eegi doonaa waxa xiga.”

Leave a Reply