Man United oo Bixinaysa Lacagta lagu Burburinayo Heshiiska Xiddig Noqonaya Saxeexyada ugu Horreeya ee Ten Hag

0
213

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa ogolaatay inay bixiso lacagta lagu burburin karayo qandaraaska Goncalo Inacio oo difaaca dhexe uga ciyaara kooxda reer Portugal ee Sporting Lisbon.

20 jirkan ayaa udub-dhexaad u ahaa natiijooyinkii fiicnaa ee ay Sporting Lisbon ka keentay garoomada xilli ciyaareedkan 2021-22, isaga oo u saftay 44 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah, waxaana shaqada difaaca uu ku darsaday shan gool oo uu isagu dhaliyey iyo laba kale oo uu caawiye ka noqday.

Inacio ayay afar sannadood oo kale ka hadhsan yihiin qandaraaska uu kula jiro kooxda reer Portugal, laakiin waxa la rumaysan yahay in qandaraaskiisa lagu burburin karayo lacag gaadhaysa €45 milyan oo Euro oo ay mar horeba diyaarisay Manchester United inay bixiso.

Sida uu qoray wargeyska A Bola ee kasoo baxa Portugal, difaacan da’da yar ayaa uu tababare Erik ten Hag ku xallinayaa dhibaatada difaaca ka  haysata kooxdiisa.

Warka ayaa intaa ku daray, in kooxda 20ka jeer ku guuleysatay horyaalka Premier League ay u bandhigtay Sporting Lisbon in ay qaadato €40 milyan oo Euro oo qaddin ah iyo €5 milyan oo Euro oo kale oo lagu xidho bandhiggiisa iyo guulaha uu ku gaadho Old  Trafford.

Inacio oo si weyn loola xidhiidhinayay Newcastle United ayaa sidoo kale u ciyaara xulka qaranka Portugal ee ay da’doodu ka hoosayso 21-jirro, ayaa isagu-geyn Sporting Lisbon u saftay 69 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu dhaliyey toddoba gool iyo afar uu caawiye ka noqday.

United ayaa la arumaysan yahay in ay xagaagan fasixi doonto Eric Bailly, Phil Jones iyo Axel Tuanzebe, waxaana sidoo kale saluug  badan laga muujinayaa Harry Maguire oo aanu mustaqbalkiisu sugnayn.

Leave a Reply