Ha Joogsan Waad Gaadhaysaa!

0
323

Subaxanimadii 22 Bishii June sanadkii 1983, Maxadada tareenku ka dhaqaaqo ee ku taalla caasimaadda Japan ee Tokoyo waxa istaadhmi waayay Tareenka saacadaasi dhaqaaqi laha , waxaana wakhtigaasi saara rakaab dhan 2500, qof oo qaarkood shaqooyinkooda ku socday iyo qayb kale haawlo iyaga u gaar ah. Dhamaan Farsamayaqaanadii xarunta joogay ayaa isku deyay inay Tareenka cillada saaraan oo ay is taadhaan, si ay usoo afjaraan cabashada rakaabka wakhtiga ka lumiya diidan.

Ugu danbayntii Baadhis dheer, waxa cadaatay in cayayaan aad u yar oo 3 mm oo keliya ahi, uu ku dhegan yahay Mishiinka gudihiisa, kaas oo sabab u noqday cillada ku timi tareenka.

Marka arinkaasi loo fiirsadana waxa iska cad in nolosheena waxyaabo yar oo aynaan arkayn ku noqonayaan carqalad joojisa halka aynu rabno in aynu u dhaqaaqno, laakiin waa in aan baadhnaa oo xalka helaa, si aan socodka u sii wadano oo aynaan u fashilmin.

 

 

 

Leave a Reply