Real Madrid, Barcelona & Juventus Oo Wajahaya In Laga Reebo Champions League

0
472

Madaxweynaha UEFA Aleksander Ceferin ayaa shaaca ka qaaday in kooxaha Real Madrid, Barcelona iyo Juventus laga saari karo Champions League xilli ay saddexda kooxood ku adkaysanayaan tartanka European Super League.

Kadib fashilkii tartanka European Super League ee sanadkii hore labada kooxood ee La Liga iyo Juventus ayaa wali ku jira tartanka iyaga oo aan ka laaban go’aanka ay ku qabanayaan tartanka.

Inkasta oo ay Maxkamada kubada cagta UEFA u ogolaatay in ay ganaaxdo 3 kooxood hadana wali waxa ay 3 kooxood ku adkaysanayaan tartanka looga goosanayo UEFA, Madaxweynaha UEFA ayaana sheegay in xidhiidhka yurub talaabo qaadi doono.

Isagoo ka hadlayay wareysi uu siiyay wargeyska  L’Equipe, Ceferin wuxuu ka yiri xaaladda: ‘Marka hore, go’aanka mar walba waa laga dacwoon karaa. Marka hawshu dhamaato, waan ku dhaqaaqi karna”.

“Waa suurtagal in la ciqaabo koox kasta… Qaar ayaa shaki galiyay. Way khaldan yihiin. Xeerarku waa isku mid qof walba”.

Leave a Reply