82 Macallin oo loo Carbiyay Tabobareyaasha Kooxaha Heerar kala Duwan ee Kubadda Cagta

0
399

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha JSL Cabdirashiid Caydiid Yaasiin iyo Gudoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland Fu’aad Axmed Cali ayaa si Wadajira ugudoonsiiyeey 82 macalin oo qaatay shahaadada macalinimo ee “SLFF Level One Football Coaching Certificate” oo ah Darajada 1aad ee Tababarenimo.

Xafladdan shahaadooyinka lagu Gudoonsiinayey macalimiinta kooxaha Heerka 1-aad, 2-aad iyo 3-aadba Ee caasimadda Hargeysa, ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin & aqoonyahano ciyaaraha Daneeya, Sidoo kalena waxaa goobta ku sugnaa gudoomiye ku-xigeenka xidhiidhka kubadda cagta, maareeyahay komishanka Tamarta, Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha iyo La-Teliyaha Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo dhamaantood khudbado qiime leh kasoo jeediyey madasha.

Leave a Reply