Dadku In Ay Ila Ogaadaan Ayaan Rabay!

0
398

Maalin ayuu ninkii Juxaa la odhan jiray dameer uu lahaa keenay saylad, si uu u iibiyo. Markii uu sayladdii keenay ayuu nin isku dayay inuu ka iibsado. Ninkii ayaa damcay inuu iska eego dameerka ka hor inta aanu iibsan. Ninkii wuxu eegay afka iyo sanka dameerka si uu u hubiyo inay jiraan nabaro ku dhacay iyo xanuun in loo iibinayo.

Dameerkii ayaa ninkii qaniini gaadhay. Ninkii inta uu naxay ayuu dib u booday si aan dameerku u qaniinin. Dameerkii ayaa haddana markii uu dib u booday harraati ku dhufan gaadhay! 

Ninkii inta uu Juxaa aad u eegay ayuu ku yidhi: ” Waaryaa Juxo, qofna dameerkan kaa iibsan mayso, waayo wuu dhib badan yahay. Haddii aad hormar is-tidhaa waa uu ku qaniinayaa, haddii aad garab mar is-tidhaahdona wuu ku harraatiyayaa.

Halkii ay ahayd in Juxana amaan bilaabo ayuu ku yidhi: “ Waan ogaaye waxaan doonayay in dadkuna ila ogaado dhibkiisa”.

 

 

Leave a Reply