Xiddigaha ku Tartamaya Abaal-marinta Xiddiga Da’yarta Premier League oo la Shaaciyey

0
333

Maamulka Premier League ayaa shaaciyey liiska siddeed ciyaartoy oo ku tartami doona abaal-marinta xiddiga da’yarta sannadka ee Premier League, waxaana ka dhex muuqda laacibiin bandhig cajiib ah ka samaynayay tartamada oo dhan.

Xiddiga Manchester City ee Phil Foden ayaa hoggaaminaya liiska ciyaartoyda ku tartamaya abaal-marinta xiddiga da’yarta Premier League, kaddib markii uu kooxdiisa goolal badan u dhaliyey, kana caawiyey inay hoggaanka hayaan iyada oo laba kulan oo kali ka hadhsan tahay dhamaadka xilli ciyaareedka.

Difaaca midig ee Liverpool ee Trent Alexander-Arnold ayaa isaguna kusoo baxay liiskan, iyadoo uu horena ugu jiray xiddigaha waaweyn ee ku tartamaya abaal-marinta xiddiga sannadka ee Premier League oo ay ku wehelinayaan Mohamed Salah, Kevin de Bruyne, Son Heung-min, Bukayo Saka iyo ciyaartooyo kale.

Kubbad-sameeyaha Crystal Palace ay amaahda kaga soo qaadatay Chelsea ee Conor Gallagher iyo sidoo kale Tyrick Mitchel oo isaguna  Crystal Palace ah ayaa iyaguna ku jira liiska ciyaartoyda da’yarta ah ee abaal-marinta xiddiga sannadka ku loollamaya.

Bukayo Saka ayaa sida Alexander-Arnold oo kale waxa uu kusoo baxay liiska ciyaartoyda da’yarta iyo waaweynka oo laba liis oo kala duwan oo min siddeed ciyaartoy ka kooban ah.

Aaron Ramsdale oo ah goolhayaha Arsenal iyo kubbad-sameeyaha Chelsea ee Mason Mount ayaa iyaguna ku jira.

Liiska siddeedda ciyaartoy ee ku tartamaya abaal-marinta sannadka ee xiddiga da’yarta Premier League

Trent Alexander-Arnold – Liverpool

Phil Foden – Manchester City

Conor Gallagher – Crystal Palace

Tyrick Mitchell – Crystal Palace

Mason Mount – Chelsea

Aaron Ramsdale – Arsenal

Declan Rice – West Ham

Bukayo Saka – Arsenal

Leave a Reply