Baligubadle: Xukun lagu Riday Rag lagu Qabtay Mukhaadaraadka

0
228

Hargeysa (Dawan) Maxkamadda Gobalka Hawd ayaa xukuno ku riday rag ku eedaysanaa in ay dalka soo gelinayeen mukhaadaraadka Khamriga oo la qabqabtay. Waxaanay maxkamaddu min lix sanno oo xadhig ah ku xukunay saddex nin oo lagu qabtay 28 litir oo Khamriya.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobalka Hawd Sheekh Cabdilaahi Maxamuud Aw Cabdi ayaa waxa uu sheegay Xukunada lagu riday eedaysanayaasha lagu soo qabtay Khamriga.Waxaana uu yidhi “Waxa Maanta la horkeenay Maxkamadda Gobalka Hawd ninka magaciisu yahay Xasan Axmed Ibraahim ina Caasha Muuse dadiisu tahay 22 jir, kaas oo lagu soo qabtay 28 litir oo Khamriya waxaana uu qirtay in uu Khamrigaas isagu watay lana wateen labo Nin oo kale oo ka baxsaday. waxaana Maxkamadda ku xukuntay lix sanno oo xadhiga Xasan Axmed Ibraahim ina Xaasha Muuse, waxa kale oo Maxkamadda xukuntay in Khamrigaas la burburiyo.sidoo kale waxa Maxkamadda ku xukuntay mid lix sanno oo xadhiga Axmed Burco iyo Sakariye oo ka baxsaday Ciidamada Booliska,”.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golka Hawd Axmed Yaasiin Maxamed Faarax ayaa waxa ku amaanay Ciidamada Booliska Gobalka Hawd sida ula dagalaamayaan Mukhaadaraadka.Waxaana uu yidhi”Waxa aan uga mahadcelinayaa Ciidamada Booliska ee Gobalka Hawd oo Habeen iyo Maalinba u taagan sidii ay ula dagaalami la haayeen Mukhaadaraadka, waxaana aan leeyahay dadweynaha halaga waantoobo Mukhaadaraadka Khamriga laga soo galinayo,”.

 

 

Leave a Reply