Waxaan Ka Yaabay!” Qore Cabdiraxmaan Cadami

0
548

Dagaalkii iska caabinta ee lala galay ciidamadii digtaytorkii Maxamed Siyaad Barre dadka iyo duunyadaba waxa ka soo gaadhay dhibaatooyin aan la qiyaasi karin, wali waxa sii muuqda oo indhuhu qabanayaan raadadkii burburkii magaalooyinka iyo xabaal-wadareedyo tira badan; wixii xasuuqii ka badbaadayna waxay la nool yihiin xanuuno dhinaca maskaxda ah. Hadaba waxaan ka yabaay sida dhakhsaha ah ee loo iloobay dhibatooyinka baxada leh. Somaliland waxay kaw ka bilowday dib u dhiskii dalka si ay uga soo kabato wixii ku dhacay. Inkasta oo laga doodi karo in wax qabadka iyo horumarka laga sii badin kari lahaa hadana waxa la qabtay shaqo badan oo soo jiidatay indhaha Beesha caalamka. Hadaba waxaan ka yaabay guulahaa ku yimid adkaysiga, samirka, dadaalka iyo kartida dadweynaha ee halkii laga dhiri galin lahaa ama ay ku faani lahayeen rag ku tilmaamay in Somaliland aanay waxba ka jirin, xataa kama xishoodaan in ay yidhaahdaan Somaliland waxay ka fiicnayd wakhtigii Afweyne ee maatida la xasuuqayay hantidoodiina la xalaaleeyay in laga dhaco. Horase loo yidhi: “Rag waxa u liita tolkii cay (Somaliland) iyo tarantii habaar.” Somaliland oo aan aqoonsi haysan, dhaqaalaha oo aad u yar, dagaalo kaga socdaan dhinaca dawlada Somaaliya iyo dawlado kale hadana dhulkeeda waxay ka ilalisay in ururada xagjirka ahi ka hawl galaan, badaheedana waxay hirtay budhcad badeeda iyo ka ganacsiga tahriibka. Diblomaasiyiinta dawladaha reer galbeedku marka ay gooni isku yihiin waxay qiraan Somaliland in ay dhinac kasta ka horayso dalalka kale ee gobalka. Hadaba waxaan ka yaabay halkii laga boogadinlaha tacabka shicibka iyo xukuumadihii kala danbeeyay ee shisheeyuhu inoo qiray raga ka xun ee la soo saftay cadowga Somaliland, dalkoodii iyo damiirkoodiba waxay dhaafsaaden dhuuni iyo dheef yar. Waxay ay marti ku yihiin meel aan laga rabin. Waxay hoos joogaan dal fashilmay iyo dawlad fashilantay oo magac u yaal ah.

Cabdiraxmaan Cadami

abdirahmanadami33@yahoo.com

 

 

Leave a Reply