Benzema oo Sameeyey Taariikh Cusub, Kuna Sii Dhow Rikoodhkii Cristiano Ronaldo

0
389

Karim Benzema ayaa liiska halyeeyada Real Madrid kasoo galay kaalinta labaad Khamiistii, markii uu gool ka dhaliyey Levante oo ay kooxdiisu ku xasuuqday 6-0.

Xiddiga reer France ayaa saxeexay goolkiisii 323aad, waxaana uu barbarreeyey rikoodhkii gool-dhalinta Raul Gonzalez oo uu hadda kala wareegayo booska kaalinta labaad, waxaanu kusii siqayaa inuu sas ku abuuro Cristiano Ronaldo oo uu ku hamiyayo inuu gool-dhalintiisii Real Madrid soo qabto.

Cristiano Ronaldo oo dhaliyey 451 gool ayaa ah ciyaartoyga kaliya ee ka  horreeya Karim Benzema, waxaana uu laacibka reer France u baahan yahay inuu la yimaaddo 128 gool, si uu u noqday ciyaartoyga ugu goolasha badan taariikhda Real Madrid.

Dhinaca horyaalka LaLiga ayaa uu Real Madrid hadda u yahay ciyaartoyga saddexaad  ee goolasha ugu badan u dhaliyey, waxaana uu saxeexay 219 gool, halka Raul iyo Cristiano Ronaldo ay u kala dhaliyeen min 228 iyo 312 gool, kuwaas oo iyagana uu kusii dhow yahay.

34 jirkan oo u muuqda in weynaanta ay kubaddiisu kusii fiicnaatay ayaa xilli ciyaareedkan dhaliyey 44 gool oo dhamaan tartamada ah, waxaana uu waqti horeba ka gudbay rikoodhkiisii ugu fiicnaa ee intii uu garoomada kusoo jiray oo ahaa 32 gool oo uu dhaliyey xilli-ciyaareedyadii 2011/12 iyo 2020/21.

Marka la isku-daro waayihiisa ciyaareed, Benzema waxa uu dhaliyey 425 gool oo 323 ka mid ah uu u saxeexay Real Madrid, halka 66 gool uu u dhaliyey kooxdiisii hore ee Lyon iyo 36 gool oo uu u saxeexay xulka qaranka Faransiiska.

Waxa uu sidoo kale xilli ciyaareedkan noqday ciyaartoyga Faransiiska ah ee ugu goolasha badan taariikhda kubadda cagta, waxaanu dhaafay Thierry Henry oo saxeexay 411 gool oo dhamaan tartamada ah.

Benzema oo kusii siqaya tirada 400 gool

Shan sannadood iyo shan bilood ayay Karim Benzema ku qaadatay in uu 100kiisii gool ee ugu horreeyey u dhaliyo Real Madrid, waxaana uu tiradaas kusoo xidhay intii u dhaxaysay 2009 illaa 2014.

Waxa uu laban-laabay November 7,2018 oo uu ciyaartii Champions League ee Viktoria Plzen uu ku dhaliyey goolkiisii 200aad.

Saddex sannadood iyo laba bilood oo kale ayay haddana ku qaadatay in uu gaadho tirada 300 gool, isaga oo kusoo xidhay kulankii uu labada gool ka dhaliyey Valencia ee January 8, 2021, haddana waxa uu kusii siqayaa dhamaystirka 400 gool oo Real Madrid ah.

Rikoodhkiisa dhinaca safashada

Marka laga yimaaddo dhinaca goolasha, Karim Benzema waxa uu sidoo kale taariikh ka samaynayaa Real Madrid oo uu ka mid noqonayo ciyaartoydii ugu safashada badnaa. Ciyaartii Levante ee Khamiistii ayaa ahayd kulankii 603aad ee uu Benzema u ciyaaro Real Madrid.

Waxa uu usbuucii hore dhaafay Fernando Hierro oo 601 kulan u saftay Real Madrid, waxaanu laacibkaas boodhka kusoo qasay ciyaartii Manchester City.

Benzema ayaa hadda ah ciyaartoyga lixaad ee ugu kulamo ciyaarista badan taariikhda Real Madrid. Waxa kaliya  oo ka horreeya Santillana oo 645 ciyaarood saftay, Sergio Ramos oo 671 ciyaarood dheelay, Manola Sanchis oo 710 kulan ciyaaray, Iker Casillas oo 725 kulan u saftay Real Madrid iyo Raul Gonzalez oo 741 ciyaarood u dheelay Los Blancos.

603 ciyaarood oo uu Benzema u saftay Real Madrid, 414 ka mid ah ayaa ahaa horyaalka LaLiga, halka 122 ciyaarood ay ahaayeen Champions League, 44 Copa del Rey ah, 11 Supercopa de Espana ah, siddeed Club World Cup iyo 4 Super Cup.

 

Leave a Reply