Antonio Rudiger oo Hadlay, Shaaciyeyna Sababta Rasmiga ah ee uu uga Tegayo Chelsea

0
456

Antonio Rudiger  ayaa beeniyey wararka sheegay, in ka tegistiisa Chelsea ay saamayn ku yeelatay xayiraadaha lagu soo rogay kooxdaas, sidaas darteedna uu ugu wareegayo Real Madrid dhamaadka xilli ciyaareedkan.

29 jirkan ayaa uu qandaraaskiisa Blues ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedkan, waxaana uu waqti horeba heshiis afar sannadood ah la gaadhay Real Madrid oo uu si xor ah ugu biiri doono xagaagan.

Kooxda reer Spain ee Real Madrid ayaa u bandhigtay qandaraas afar sannadood ah oo uu toddobaadkii ku qaadanayo mushaha gaadhaya £315,000 Gini.

Waqtigii uu Rudiger go’aansaday inuu iskaga tago Chelsea ayaa waxa soo baxay warar sheegaya in sababta uu uga tegay Stamford Bridge oo uu muddo shan sannadood ah joogay inuu uga tegayo sabab la xidhiidha xayiraaddii lagu soo rogay Chelsea.

Antonio Rudiger ayaa ugu dambayn warbaahinta hor yimid kaddib guul-darradii finalka FA Cup ee Liverpool, waxaana uu ka hadlay sababtii ku kalliftay inuu qaato go’aanka isaga oo caddeeyey in aanu wax saamayn ah ku yeelan xayiraaddii lagu soo rogay Blues, waxaanu yidhi: “Waxa jirtay fursad laakiin xayiraaduhu dhibaato kuma aanay ahayn. Ma doonayo in aan faahfaahin badan sii bixiyo.

“Maalin maalmaha ka mid ah ayay labada dhinac ba go’aankani caawinayaa. Chelsea waxay ii ahayd meel fiican, aniguna waan ku fiicnaa. Aad ayaan aniga iyo qoyskayguba ugu mahadcelinaynaa, sababtoo ah halkan ayaan nin ku noqday, carruurtaydu halkan ayay ku dhasheen, wax walbana halkan ayaan ku helay. London iyo khaasatan Chelsea waxay ii ahaan doonaan meel khaas ah.”

Leave a Reply