Sabirku Waa Inaad Adkaysi Yeelato!

0
444

Saxaabiga Anas binu Maalik (Rc) wuxuu yidhi: “Nabiga (scw) ayaa soo ag maray haweeney uu ka dhintay wiilkeedii kana ooyaysa qabrigiisa dushiisa”. Markaasi ayuu ku yidhi: “Allah ka baqo oo sabir”. Gabadhii iyadu may garanayn Nebiga (cw) waxayna si cadho leh ku tidhi: “iga tag; waxa igu dhacay kuguma dhicine”. Wax yar ka dib ayaa loo sheegay inuu ahaa Nabiga (scw) Markaasi ayay tagtay gurigii nebiga (scw) way u gashay waxaana ay ku tidhi: “Kuma aan garaneyn.” Wuxuu Rasuulka Allah (scw) yidhi  : “Sabirku waa inaad yeelato adkeysi oo aad isu dhiibto (Qaddarka Alle) marka ay dhibaatadu kugu dhacdo.’ (Bukhaari iyo Muslim).

Leave a Reply