Lewandowski oo Shaaciyey Go’aankiisa kama Dambaysta ah & Bayern Munich oo Argagaxsan

0
409

Weeraryahanka kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski ayaa xaqiijiyey, in uu ka tegayo kooxdaas dhamaadka xilli ciyaareedkan kaddib bilo ay mustaqbalkiisa ka taagnayd hadal-hayn badan oo lala xidhiidhinayay Barcelona.

Qandaraaska uu 33 jirkani kula jiro Bayern Munich ayaa ku eg June 2023, waxaase uu go’aansaday in aanu dhamaysanin sannadka u hadhay oo uu iskaga tago Bavria.

Robert Lewandowski oo shalay la sheegay inuu heshiis hordhac ah la gaadhay Barcelona, ayaa go’aankiisa hore ugu wargeliyey Bayern Munich, waxaanu xalay mar kale u mariyey warbaahinta, taas oo ka dhigan inuu soo afjarayo waayihiiisa Allianz Arena.

Kaddib kulankii ay kooxdiisa Bayern Munich shalay Sabtidii la ciyaartay Wolves oo ahayd ciyaartii ugu dambaysay horyaalka Bundesliga ee xilli-ciyaareedkan oo kusoo dhamaatay 2-2, Robert Lewandowski ayaa u warramay telefishanka Sky Sports, waxaana uu sheegay, in ay suurtogal tahay inuu kulankiisii ugu dambeeyey u ciyaaray Bayern Munich.

“Ma saxeexayo heshiis cusub.” Ayuu si kooban u yidhi Robert Lewandowski oo intaa ku sii daray: “Waa in aanu helno xalka ugu wanaagsan labadadhinac ba, aniga iyo kooxda. Waan u sheegay kooxda in haddii uu dalab yimaaddo, in aanu ka fikirno oo aan tago.”

Mar la weydiiyey haddii ay Wolves ahayd ciyaartii ugu dambaysay ee uu xidho garanka Bayern Munich, waxa  uu ku jawaabay: “Waa suurtogal, in ay ahayd kulankaygii ugu dambeeyey.”

Lewnadowski ayaa waxa uu xalay dhaliyey goolkiisii 50aad ee xilli ciyaareedkan, waxaana isugeyn uu Bayern Munich u saxeexay 344 gool 375 ciyaarood oo uu u saftay tan iyo sannadkii 2014kii oo uu si bilaash ah ugaga soo wareegay Borussia Dortmund.

Leave a Reply