Chelsea Oo Qarka U Saaran Saxeexeedii ugu Horeeyay ee Xagaaga

0
328

Ivan Perisic ayaa lagu soo waramayaa in uu ogolaaday in uu si xor ah ugu biiro kooxda chelsea xagaagan isaga oo kaga soo biiraya kooxda Inter Milan.

Xiddiga garabka ka ciyaara ayuu heshiiskiisa Inter dhici doonaa dhamaadka xilli ciyaareedkan ilaa hataana heshiis cusub uma saxiixin doona iyada oo la sheegayo in uu xiddiga 33 jirka ah mushahar aad u badan dalbanayo.

Wariye Sandro Sabatini ayaa yiri: “Waxaa jiray xanta saacadihii la soo dhaafay: Perisic waxa uu heshiis si rasmi ah ula gaaray Chelsea”.

“Sidaas darteed, suurtagalnimada in Inter ay kordhiso Mushaharka uu xiddigu doonayo oo dhan 4.5 milyan sanadkii ayaa meesha ka bixi doona”.

“Perisic waxa uu haatanba heshiis la gaadhay chelsea, kaliya waxa ka dhiman dhamaystirka heshiiska tijaabada caafimaadka in uu ku baaso xiddigu”

Leave a Reply