“City Ayay Koobka La Doonayaan…” Taageereyaasha Liverpool Oo Ka Cadhaysan

0
388

Taageereyaasha kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa ka cadhooday garsooraha uu Premier League u magacaabay kulanka ugu dambeeya horyaalka xilli ciyaareedkan ee ay kooxdoodu Axadda ku martigelinayso Wolves, kaas oo ay dareensan yihiin in uu ka xaglin doono kooxdooda, si ay Manchester City ugu guuleysato horyaalka.

Liverpool ayaa u baahan in ay badiso, sidoo kalena la qabto Manchester City si ay ugu guuleysan karto horyaalka Premier League oo ay hadda hal dhibic ka dambaysao Man City oo hoggaanka haysa, iyadoo Reds ay garoonkeeda Anfield ku qaabbili doonto Wolves, halka Pep Guardiola ay kooxdiisu martigelinayso Aston Villa.

Premier League ayaa ciyaarta Liverpool iyo Wolves waxa uu u magacaabay garsoore Anthony Taylor oo kasoo jeeda magaalada Manchester oo uu ku dhashay, waxaanay taasi shaki gelisay jamaahiirta Liverpool oo kaga falceliyey baraha bulshada.

Taageereyaasha ayaa is-weydiiyey in kulan sidan oo kale xasaasi u ah loo dhiibo garsoore ay kooxdii magaaladiisa kasoo jeedday ay la tartamayaan, isla markaana ay ciyaartu tahay mid lagu go’aaminayo naadiga horyaalka  ku guuleysanaya.

Bishii April ayay sidan oo kale taageereyaasha Liverpool uga cawdeen Anthonby Taylor loo dhiibay oo uu dhexdhexaadiyey ciyaartii ay Manchester City barbarraha ku kala baxeen, taas oo ay min hal gool u dhaliyeen Fabinho iyo Thiago Alcantara iyadoo ciyaartuna kusoo dhamaatay 2-2.

Si kastaba, Taylor ayaa xilli ciyaareedkan lagu eedeeyey in Liverpool uu siiyey rikoodhe laga baaqsan karayay ciyaartii ay Chelsea barbarraha 1-1 wada galeen oo uu ku qaaday in Reece James ay kubaddu gacanta kaga dhacday bishii August, sidaana uu Liverpool ugu dhigay rikoodhe iyadoo ciyaartaasina kusoo dhamaatay 1-1.

 

Leave a Reply