Xisbi ku Baaqaya in loo Dhinto waa Wax la Xumaado Mucaaradnimaduna Waa in ay Noqotaa Mid Wax Dhista

0
284

Hargeysa (Dawan) Wasiirkii hore ee Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Jamhuuriyadda Somaliand Jaamac Maxamuud Cigaal ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado in Xisbiyaadda Mucaaradka ku baaqaan in loo dhinto.

Jaamac Maxamuud Cigaal oo la hadlay qaar ka mida Warbaahinta ayaa uu usoo jeediyay Axsaabta Mucaaradka in ay dalka u tudhaan,isla,markaana ay noqdaan Mucaarad wax dhisaya. Jaamac Maxamuud oo arimahaasi ka hadlayayna Waxa uu yidh “Mucaaradnimadu waa in ay noqoto mid wax dhista xisbi ku baaqaya in dhalinyarada dagalaanto oo loo dhinto waa wax la diido, barigii Siilaanyo lagaga helay 80 Cod waxa uu yidhi Siilaanyo barigaa shacabkii iyo taageerayaashii xisbiga ila dhisay ee codka isiiyay aan ka codsaday inamadiina keena ha,iidhinteen odhan maayo.taas ayaa Mucaaradnimo la yidhaahdaa,”.

Sidoo kale Jaamac Cigaal ayaa waxa uu sheegay in laga wanaagsanyahay Mucaarad ku baaqaya in loo dhinto.Waxaana uu yidhi”Waana laga wanaagsanyahay Mucaaradnimo ku baaqaysa in loo dhinto,aniga oo ixtiraam u haya Madaxda axsaabta Mucaaradka.hadana waxa aan leeyahay wadanka aynu u tudhno dhaliili waa dhaliil si xagaro leh wax u mucaaradaan,”.

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply