Ciyaartoyda Tottenham Oo La Sumeeyey iyo Harry Kane Oo Xaalkiisu Liito

0
363

Kooxda kubadda cagta Tottenham ayaa war-saxaafadeed degdeg ah kasoo saartay xaaladda ciyaartoydeeda oo la sheegay in la sumeeyey, kuwaas oo uu ugu daran yahay weeraryahanka reer England ee Harry Kane oo xataa aan qayb ka noqon doonin kulanka ugu dambeeya horyaalka ee ay Axadda ee ay ugu dagaallamayaan inay usoo gudbaan Chamions League xilli ciyaareedka dambe.

Ciyaartoyda ayaa ku sumowday cunto ay cuneen sida ay warbaahinta Ingiriisku sheegtay, taas oo sidoo kale  uu xaqiijiyey halyeyga reer England ee Gary Lineker, hase yeeshee Tottenham ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay warka sumaynta.

Gary Lineker ayaa bartiisa Twitter-ka ku shaaciyey qoraal uu ku sheegay, in uu helay war sheegaya in ay ciyaartoyda Tottenham ku sumoobeen cunto ka hor ciyaarta ay safarka ugu tegayaan Norwich City kulanka ugu dambeeya horyaalka Premier  League, taas oo ay u baahan yihiin inay guuleystaan si ay kaalinta afraad ugu dhamaystaan oo aanay wax fursad ah u siinin Arsenal oo laba dhibcood ak dambaysa.

Harry Kane ayaa shirkii jaraa’id  ee Jimcihii maanta aan imanin, waxaana la sheegayaa in xaaladdiisu adag  tahay oo xataa uu shaki ku jiro inuu ciyaari doono Axadda.

Tottenham oo sannadkii 2006 ay cyaartoydeedu ku xumoobeen cunto ay ka cuneen ‘Lasagne-gate’ ka hor ciyaartii ugu dambaysay ee horyaalka lagu soo xidhayay, ayaa sababtay in ay guul-darraystaan oo ay seegaan kaalinta afraad oo ay hore ugu jireen.

Sidii oo kale ayaa la sheegay in ay haddana ku dhacday ciyaartoiyda Tottenham oo ay qaarkood matagayaan, kuwo kalena calool-xanuun dareemayaan, iyadoo ay awooddooduna diciiftay.

Si kastaba, Tottenham ayaa sheegtay in aanay waxba ka jirin warka sheegaya in ciyaartoydeedu ay cunto ku sumoobeen, waxaase la eegi doonaa in Harry Kane uu kasoo muuqan karo tababarka Sabtida iyo in sidoo kale ay dhamaan ciyaartoyda kale yimaaddaan.

 

Leave a Reply