Erling Haaland Oo Muujiyey Deeqsinimadiisa iyo Hadiyaddaha Qaaliga ah ee uu Bixiyay

0
224

Weeraryahanka reer Norway ee Erling Haaland ayaa muujiyey deeqsinimadiisa xilli uu sii macasalaamaynayo ciyaartoyda iyo shaqaalaha kooxdiisa Borussia Dormtund oo uu usii xidh-xidhanayo Manchester City oo uu horraantii bishan u saxeexay heshiis.

21 jirkan ayaa soo gabogabaynaya laba sannadood iyo badh uu u ciyaaray Borussia Dortmund, waxaanu u guurayaa Premier League oo uu kasii wadan doono waayihiisa ciyaareed isaga oo hoggaamin doona weerarka Man City.

Haaland ayaa macasalaameeyey taageereyaasha Borussia Dortmund toddobaadkan markii ay ciyaartay ciyaartii ay 2-1 ku garaaceen Hertha Berlin, markaas oo uu u gacan-haadiyey si uu usii salaamo oo uu u nabad-galyeeyo.

Sida uu qoray wargeyska Bild ee kasoo baxa waddanka Germany, Erling Haaland ayaa lacag gaadhaysa nus milyan Gini waxa uu ku kharash gareeyey hadiyado iyo saacado qaali ah oo uu u iibiyey ciyaartoyda iyo shaqaalaha Borussia Dortmund, si uu ugu sii macasalaameeyo.

Laacibkan ayaa soo iibiyey 33 saacadood oo nooca loo yaqaano Rolex ah oo midkiiba taagan tahay qiime gaadhaya £12,730 Gini, waxaanu siiyey ciyaartoyda kooxda.

Waxa uu sidoo kale soo iibiyey in ka badan 20 saacadood oo kale oo ah nooca loo yaqaano OMEGA oo midkiiba qiimaheedu taagan yahay £4,128 Gini oo uu siiyey shaqaalaha kooxda.

Marka la isku geeyo lacagta kaga baxday saacadaha, waxay gaadhaysaa £500,000 Gini oo uu u hanneeyey ciyaartoyda iyo shaqaalaha kooxdiisa uu sii sagootinayo.

Erling Haaland oo January 2020 ay Borussia Dortmund kala soo wareegtay kooxda RB Salzburg ayaa waxa uu u saftay 89 ciyaarood oo uu u dhaliyey 86 gool, waxaana £51 milyan oo Gini kaga iibsatay Manchester City oo mushahar u siin doonta £375,000 Gini toddobaadkii.

 

Leave a Reply