Sababta Uu Paul Pogba U Diidan Yahay Inuu Yimaaddo Kulanka Gunaanadka Premier League Ee Man United vs Crystal Palace

0
462

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Manchester United ee Paul Pogba ayaa ka fiirsanaya in uu iskaga maqnaado inuu la midoobo ciyaartoyda kooxdiisa kulanka ugu dambeeya xilli ciyaareedka ee ay Axadda la ciyaarayaan Crystal Palace, taas oo noqon doonta fursaddii ugu dambaysay ee uu Pogba kaga soo dhex muuqanayo ciyaartoyda Man United.

Pogba oo si xor ah uga tegi doona Manchester United dhamaadka xilli ciyaareedkan, ayaa la filayay inuu kasoo muuqdo kulanka ugu dambeeya kooxda kaddib usbuucyo uu dhaawac ku maqnaa, balse waxa hadda la  sheegayaa in aanu iman doonin Selhurst Park oo uu ka maqnaan doono.

Sababta uu laacibkani uga maqnaanayo kulankaas ayaa la sheegay inuu ka baqayo in ay taageereyaashu si xun ula dhaqmaan oo ay ku ooriyaan, islamarkaana aflagaaddeeyaan.

Jamaahiirta Manchester United ayaa Paul Pogba ku ooriyey dhawr ciyaarood xilli-ciyaareedkan gudihiisa, waxaanu ka baqanayaa in mar kale ay aflagaaddooyin u geystaan, maadaama ay tahay ciyaartiisii ugu dambaysay.

Xiddigan oo ay Manchester United sannadkii 2016kii kaga soo iibsatay Juventus lacag gaadhaysa £89 milyan oo Gini ayaa soo afjaraya muddo lix sannadood ahayd oo uu ka ciyaaray Old Trafford, waxaana lala xidhiidhinayaa kooxo dhawr ah oo ka dhisan Ingiriiska, Faransiiska iyo Talyaaniga.

Tababaraha ku-meelgaadhka ah ee Manchester United ee Ralf Rangnick ayaa hore u sheegay in ay suurtogal tahay in Pogba uu kulankan yimaaddo garoonka oo uu qayb ka mid ah ciyaaro, balse taas ayaa uu shaki ku jiraa, sida ay sheegtay warbaahinta ESPN.

 

 

 

 

Leave a Reply