Real Madrid Oo Maalgelin €360 Milyan Oo Euro Ah Heshay, Xilli Ay Saxeexyo Waaweyn Isku Diyaarinayaan

0
225

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa heshiis la gaadhay shirkadda Maraykanka ah ee Six Street oo ay ka heli doonto lacag maalgelin ah oo gaadhaysa €360 milyan oo Euro, taas oo ganacsiyo ka furan doonta qaybo ka mid ah garoonka Santiago Bernabeu oo ay ku yaallaan goobo waaweyn oo loogu talo-galay in laga sameeyo dukaamo, hotelo iyo ganacsiyo kala duwan.

Heshiiska ayay Arbacadii Ansixiyeen boodhka maamulka ee Real Madrid, ka hor intii aan Khamiistii shalay si rasmi ah loogu dhawaaqin.

War-saxaafadeed ay Real Madrid soo saartay xalay ayay ku sheegtay in kooxdu ay heshiis la gaadhay shirkaddan oo garoonka Santiago Bernabeu ka samayn doonto madalo gaar ah oo la iskugu yimaaddo, kuna qaban doonta madadaalooyin.

Shirkadda ayaa shubaysa €360 milyan oo Euro oo naqad ah oo ay Real Madrid ku fushan doonto hawlaheeda, isla markaana ay u isticmaali doonto inay kusoo iibsato ciyaartooyo ay ku xoojiso safkeeda marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga, hase yeeshee Los Blancos ma aanay bixin wax faahfaahin ah oo intaa dheer.

Shirkadda Six Street oo ah shirkad caalami ah oo ay xarunteed guud ku taallo San Francisco ayaa hore maalgelin ugu samaysay shirkadaha kale ee Spotify, Airbnb iyo kooxda horyaalka Maraykanka NBA-da ee San Antonio Spurs, waxaanay muddo 20 sannadood ah ganacsiyo ka samaynsan doontaa garoonka Real Madrid ee Santiago Bernabeu.

Garoonkan cusub ee Real Madrid oo aanay wali qaybo ka mid ah dhismihiisu dhamaanin, sida saqafka sare iyo qurxinta dibedda ayaa la dhamaystiri doonaa dhamaadka sannadkan 2022, waxaana ku baxday lacag gaadhaysa €800 milyan oo Euro.

Santiago Bernabeu ayaa u samaysan qaab casri ah, waxaana si fudud loo laabi karaa doogga garoonka oo isagu islaab-laabaya, meelo hoosena ku xaroonaya, waxaana loo beddeli karayaa si fudud oo aanay hawli ku bixin garoomo lagu ciyaaro NBA-da, Tenniska iyo NFL.

 

 

Leave a Reply