WAR CUSUB: Hooyada Dhashay Kylian Mbappe Oo Shaaciyey Heshiis Saddex Dhinac Ah Oo Uu Xiddigani Gaadhay

0
231

Hooyada dhashay xiddiga reer France ee Kylian Mbappe ayaa shaacisay, in laba dalab oo ka yimid laba kooxood ay miiska u saaran yihiin wiilkeeda, isla markaana uu u dhexeeyo labada kooxood ee Paris Saint-Germain iyo Real Madrid.

23 jirkan ayaanu mustaqbalkiisu wali dhinac u dhicin, waxaase la sheegayaa in uu go’aankiisa shaacin doono usbuuca soo socda marka  lasoo gabogabeeyo horyaalka waddanka Faransiiska ee Ligue 1.

Fayza Lamari oo ah hooyada dhashay Mbappe ayaa warbaahinta u sheegay, in wiilkeedu uu heshiis la qaatay laba kooxood oo kala duwan oo ah Real Madrid iyo Paris Saint-Germain, walina aanu dhinac iskugu luga-duwanin.

‘Laba dalab ayaa hor yaalla, midi waxa uu ka yimid PSG, midka kalena Real Madrid, waa heshiisyo isku mid ah.” Ayay tidhi Fayza Lamari oo u warramaysay Kora Plus.

Waxay intaa ku daray: “Dalabka Real Madrid, wiilkayga ayaa maamulaya xuquuqda sawirka, Markaa waxa aanu sugaynaa go’aankiisa. Waxa jira farqi yar oo u dhexeeya labada dalab, waxaananu sugaynaa in uu Mbappe kala doorto midka uu doonayo.”

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply