Tartanka Hubka Iyo Caalamka Saboolka Ah!

0
147

Labadii dagaal ee waaweyna waxa sabab u ahaa iyadoo la isku haystay  hogaaminta dunida dalka looga danbaynayo. Markii dagaalkii labaad ee weyna uu dhamaaday lagana adkaaday Hitler iyo gaashaanbuurtiisa, ma joogsan dagaalkii halganka hogaanka dunida.

Dalalkii dagaalka xulafada ku  ah ayaa mar kale isu qabsaday hogaaminta dunida iyo cidda maamulaysa dunida guud ahaan.

Sanad ka dib dhamaadkii dagaalkii labaad oo ahayd sanadkii 1946 ayuu si rasmi ah u bilaabmay dagaalkii qaboobaa ee u dhexeeyay Maraykanka iyo dalkii lagu  magacaabi jiray Midowgii Sofiyeetka oo iyagu isku dhinac  isla markaana ahaa xulafadii dagaalka ku guulaysataya.

Waxa dagaalka qabow loog bixiyay iyadoo oo uu ahaa dagaal hoose oo aan muuqan haddana weli uu socdo halgan loogu jiro dalkii hogaamin lahaa dunida. Dagaalkaasi ayaa galaaftay dad badan oo hoos loo khaarjiyay iyo dawlado si cad taladii looga wareegay.

Dagalkan ayaa ah kii ugu dheeraa ee loo galo tartanka hogaanka dunida cidda qabanaysa.  Waxaan dagaalkaasi hogaaminta dunida ku guulaystay Maraykanka ka dib markii uu Sofiyetkii burburay bishii Decemebr 25, sandakii 1991, kaasi oo u kala jabay 16 dawladood oo kala madax banana, waxaana isaga ku soo hadhay oo maanta loo yaqaana dawladda Ruushka.

Madaxweynihii Maraykanka ee wakhtigaasi Bush-kii weynaa aya si rasmi ah ugu dhowaaqay inuu dhamaaday dagalaakii qaboobaa isla markaana Marakaynku ku guulastay hogaaminta dunida iyo dagaalkasiba. Muddo dheer ka dib Ruushka ayaa u muuqda mid doonaya inuu tartankii hogaaminta dunida ku soo noqd.

Leave a Reply