Dheregga Iyo Gaajada Caalamka!

0
295

Cayilka iyo buurnida xad dhaafka ah waxa ay noqotay dhibaato ah dalalka reer Galbeedka ah, halka nafaqo-xumadana iyo dadka caatada ah ay ku badan yihiin dunida dalalka saboolka ah.

Hadda Qaramada Middobay ee cuntada iyo beeraha (FAO) ayaa ku qiyaastay in dunida dad gaadhaya 815 Milyan ay la il daran yihiin gaajo iyo macaluul, taasi oo ka dhigaysa dadka dunida 10.7% in gaajo iyo macluul ku jiraan. Dadka macluusha iyo nafaqo daradu haysaa waxay ku nool yihiin dalalka dakhligoodu hooseeyo

Haddaba sebenkan, dad gaadhaya 1.3 Billion qof ayaa iyana ka cabanaya buurinada,  maantana dadku waxay calooshada ku xidhaan suun si ay u yareeyaan dhereg dartiis. Waxa fiican in dadku is caawiyaan oo is xaq dhowraan, noloshana horumar ku wada  sameeyaan.

Sheekh Ibnu Qiyam oo ka mid ah culimada muslimiinta ah ee waaweyn ayaa yidhi :” Waxa laga yabaa adigoo hurda in Samada kaga yimaadaan abaal marinta aad ka heshay Allah (sw).

Qof faqiir ah oo aad caawisay, mid gaajaysan oo aad cunto siisay, qof murugaysan oo aad ka farxisay. Qof dhibaato hayso oo aad ka fayday. Haddaba ha yaraysan inaad khayrka samayso.

 

 

Leave a Reply