Wasiirka Degaanka Somaliland Oo Ka Digtay In Harimacadka Si Sharci Darro ah Loo Dhoofiyo

0
325

Xeebaha Somaliland ayaa la tilmaamaa in ay yihiin kuwa ugu badan bariga Afrika ee ay ka dhacaan dhoofinta sharci darradda ah ee duur joogta gaar ahaana Harimacadka. Kaasoo la aaminsan yahay inuu adduunka ka sii dabar go’ayo.

Waxaana lagu sheegay deraasado kala danbeeyay oo arrimaha dhoofinta Harimacadka ee xeebaha Somaliland laga soo saaray in ay sii kordhayaan, isla markaana ay tobankii maalmood ba mar ka dhacaan xeebaha Somaliland kiisaska dhoofinta sharci darradda ah ee duur joogta gaar ahaana Harimacadka.

Hadaba qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa wasaarka wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil, ayaa ka digtay in ugaadhta duur joogta gaar ahaan Harimacadka ay si sharci darro ah dadku dibedda ugu dhoofinayaan.

Wasiirku waxay sheegtay in ciddii lagu hello falalka noocaas ah in la marin doono cadaallada oo aan la saamixi doonin, waxayna intaa ku dartay in ugaadha oo dunida ka sii dhammaanaysa ay tahay in dadweynuhu ay gacan ka gaystaan sidii loo dhawri lahaa.

Wasiirka oo ka warbixinaysa meelaha laga dhoofiyo marka Harimacadka la soo ugaadhsado waxay tidhi, “Harimacadka waxaa laga dhoofiyaa xeebaha Somaliland, xuduudka dhinaca Ethiopia ayaanu ka soo gallaa, qaar na Somaliland ayaa laga soo ugaadhsadaa, ka mid ah Harimacadyadaa la dhoofiyo. Sanadaha u danbeeyay ba wuu isa soo tarayay dhoofinta Harimacadku, dad baa si sharci darro ah uga ganacsadda.

Wasaaradu dedaal ayaanu aad iyo aad uga muujinay in aanu arrintaa wax ka qabano. Laakiin, nasiib darro xeebteenu na aad bay u dheer tahay, xuduudkeena Beriguna aad buu u dheer yahay. Labadaas ayaa caqabd weyn nagu noqday”.

Wasiirku waxa kaloo ay sheegtay in Somaliland laga dhoofiyo ugaadha, ama Deerro ha nqoto, ama Gara-nuug ha noqoto, ama Harimacad ha noqoto, Sakaarro ha noqoto, nooc kastoo ay tahay ba, in ay mamnuuc.

Hadaba sidee ayay ku dhacday in xeebaha Somaliland Harimacad laga dhoofiyo, sida lagu sheegay warbixin ay wasaaradu soo saartay, wasiirka oo arrintaa ka hadlaysayna waxay tidhi, “Xeeb aad u dheer weeyaan, xeebtaana ilaaladda ayaa aad ugu yar. Weli ba sidaasay ku dedaalaan ciidamadda Badda iyo kuwa milaterigu ba markay la kulmaan.

Dhibaatadu waxay tahay, dadka dhoofiya duur joogtu, wakhti aan caadi ahayn bay inta badan rarraan. Waxaana laga yaabaa in habeenkii wakhti danbe halkan ka saaraan, kadibna Dooni ordaysa ayuun baa soo gelaysa, taasuun bay ku tuuraan, maba istaagto 5 daqiiqo, 10 daqiiqo ba ma is-taagto xeebta. Sidaas ayaanay ku raraan”.

Geesta kalae wasiir Shukri Baandare, waxay ka warbixisay kuwa ay yihiin xeebaha ugu badan ee Harimacadka sida sharci darradda ah looga dhoofiyo.  “Markaad Bullo-xaar joogto, ilaa Saylac inta u dhaxaysa ayaa ugu darran. Xagga Barriga na way ka baxaan mar mar. laakiin, halka ugu darani waa intaa.

Ugaadha kale aad bay u yar tahay. Laakiin, dhibaatadda ugu weyni waxa weeye Harimacadka” ayay tidhi wasiir Shukri.

Warbixinta ay wasaaradda deegaanku soo saartay waxay ku sheegeen in ilaa 1000 Harimacad labadii sanadood ee ugu danbeeyay laga dhoofiyay xeebaha Somaliland gaar ahaan Bullo-xaar, Lughaya, Saylac, iyo marar xagga Bariga ah, sida Maydh iyo Xiis.

Hadaba waxay su’aashu tahay sidee ayaa deraasadaasi lagu ogaaday? Waatan wasiir Shukri Baandare, oo arrimahaasi faahfaahinaysa.“Waxaanu ku ogaanay, horta dadku berigii hore waxay u haysteen ba waxan baxaaya dan kamay lahayn.

Laakiin, adduunyadii baa inagu soo jeedsatay, waayo? Harimacadku waxa weeye, xayawaanka imika adduunka ka sii dabar-go’aaya. Caalamka markii hore ilaa 1000 kun baa lagu qiyaasi jiray, inta adduunyadda ku nool, maanta na adduunyadda oo dhan 7000 oo xabadood oo Harimacad ah ayaa ku nool. Afrika ayaana ugu badan 7000 badan halka ay ku nool yihiin, waana xayawaanka keliya ee socda 1000KM gooya, eek a imanaya meel 1000 KM jirta, ee sidaa u wareegaya dal gelaya, ee dal kale gelaya, ee mid kale ka baxaya, ee aan isagu xuduud lahayn” ayay tidhi wasiirka deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare.

Wasiirka oo hadalka sii wadatayna waxay tidhi “Markaa marka uu soo gallo, ama uu wareego, ama uu Ethiopia joogo, isagoo ka yimid halka ugu danbaysa, oo South Africa ka yimid, ayuu mar ba dal imanayaa, oo uu wareegayaa, halkaas ayaa laga helayaa, dhashii ayaa laga soo qaadanayaa, hooyadii dhashay kuwa yar yar ayay dilayaan, ama iyadoo ugaadhsi uga maqan ayay dhasha ka soo qaadanayaan. Ganacsi caadi ah ayuu noqday, oo rag baa ka ganacsadda, baabuur ayaana xuduudka ka soo gudbsiya”.

Dhinaca kale, xeebaha somaliland waxaa bishiiba laga dhoofiyaa am aka dhaca ilaa 10 kiis oo ah in ay ka dhoofaan ugaadhsiga sharci darrada ah, hadaba muxuu yahay qorshaha wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda ee Somaliland si arrintaasi wax looga qabto.

Shurki Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa amuurahaasi ka warbixinaysa,  “Hadda ayaa si weyn loogu soo jeestay, ummada na fariimo waanu u soo diri doonaa dhawaan, telefoonadoodda, qof walowba halkaad joogto ka ilaali ayaa lagu odhan.

Waa hanti ummadu wada leedahay, oo khayraadka wadanka ayay ka mid yihiin xayawaankani, haddii aan la ilaashana oo ay sahaalahaa kaaga abxaan, dib kuugu soo noqon maayaan. Waa wax adiga ku soo maraya, oo aan dib kuugu soo noqonaynin” ayay tidhi wasiirka degaanka iyo isbedelka cimiladda ee Somaliland.

 

 

 

 

 

Leave a Reply