Waa Kuwan Saddexda Xiddig ee ay Real Madrid Mid ahaan Saxeexiisa kaga Samrayso Mbappe

0
369

Real Madrid ayaa qalbi jab weyn kala kulantay saxeex ay mudo sanado ah ku taamaysay oo ay sababtiisa ciyaartoy kale uga weecatay oo ahaa Kylian Mbappe oo ay filanayeen inuu dhinaca Paris Saint-Germain kaga yimaado.

Real Madrid ayaa xiddigaha ay sababta Mbappe u weyday laga xusi karaa Erling Haaland oo ugu dambayn ku biiray Manchester City maadaama oo ay aad iskugu halaynayeen saxeexa xiddiga French-ka ah.

Los Blancos ayaa kaddib markii xalay rasmi laga dhigay qorshaha uu Mbappe kusii joogayo kooxda caasimada France isku dayi doonta inay diiradeeda meel kale u jeediso iyadoo baadigoobaysa saxeexyo kale oo ay uga weecan karto.

Wargeyska The Athletic oo qish ka bixiyay qorshayaasha cusub ee Los Blancos ayaa sheegaya in Florentino Perez uu isha ku hayo saxeexa mid ahaan saddexda xiddig ee Premier League ka ciyaara ee Richarlison oo Everton ah iyo Sadio Mane iyo Mohamed Salah oo Liverpool ah.

Richarlison oo xagaagii 2021 ku dhawaaday inuu ka hayaamo Goodison Park ayaa la filayaa inuu markan koox bedelasho samayn doono kaddib markii uu Toffees ka badbaadiyay inay heerka hoose uga dhacaan Premier League.

Dhinacooda Sadio Mane iyo Mohamed Salah ayaa heshiisyada ay ku joogaan Liverpool yihiin kuwo hal sano ka hadheen taas oo fududayn karta heshiis ay kaga hayaamaan Anfiel.

Salah ayay mudo dheer isku mari la’yihiin Reds wadahadalada heshiis kordhin uu sameeyo iyadoo kooxdu ka cago-jiidayso inay siiso waxa uu dalbanayo.

Dhinaciisa Sadio Mane ayaysan Liverpool wali wax wadahadal heshiis kordhin ah la furin waxaana dhawaanahan soo baxayay warar la xidhiidhinaya PSG iyo Bayern Munich.

Leave a Reply