Saddexda Arrimood ee PSG ay u Ballan-qaadday Kylian Mbappe ee Sababay inuu Heshiiska Saxeexo

0
220

Kylian Mbappe ayaa heshiiskii ugu qaalisanaa ee abid la arko waxa uu xalay la gaadhay Paris Saint-Germain, waxaanu kusii negaan doonaa kooxdiisa saddexda sannadood ee soo socda.

Paris Saint-Germain ayaa dhibaato badan u martay sidii ay laacibkan ugu qancin lahayd in uu sii joogo Parc des Princes waxaanay ogolaatay lacago aad u badan oo ay siinayso laacibkan iyo sidoo kale inuu yeesho awoodo badan oo uu durba qaarkood isticmaalay.

Kylian Mbappe ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyey dhabarka u jeediyey Real Madrid oo muddo dheer lala xidhiidhinayay isla markaana la sheegayay inuu si xor ah ugu wareegayo bisha June, balse dalab lacago badan xambaarsan oo uu ka helay PSG ayaa u suurtogeliyey inuu sii joogo Parc des Princes.

Subaxnimadii Sabtidii ayay wax walba xaqiijisatay PSG oo ay ku qancisay Mbappe in uu heshiiska cusub qaato, waxaana dhaqaalaha badan ee ay siinayaan ay u raaciyeen saddex ballan-qaad oo waaweyn.

23 jirkan ayaa sida uu sheegay wariye Sergio Santos, waxay PSG  u sheegtay inay u fulinayso saddex shuruudood oo qayb ka qaatay inuu sii joogo Faransiiska.

Arrinta koowaad ayaa waxay tahay, in kooxda la keenayo Zinedine Zidane oo ah tababaraha uu muddada dheer ku taamayay inuu ka hoos ciyaaro amaba ay meel uun ku midoobaan, taas oo horena loo sheegay in waqtiyadii uu Zidane joogay Madrid in uu laacibkani la kulmay oo uu qayb ka ahaa sababaha qalbiga laacibkan ay u gashay Real Madrid.

Ballanta labaad ayaa waxay ahayd, in kooxdu ay lasoo wareegi doono garabka weerarka Barcelona ee Ousmane Dembele oo ay keeni doonto PSG xagaagan, iyadoo la ogyahay in xiddigani uu si xor ah uga tegayo kooxda reer Spain oo uu diiday inuu qandaraaska u kordhiyo, kulankiisii ugu dambeeyeyna uu maanta ciyaarayo.

Arrinta saddexaad oo ah tan hadal-haynta badan dhalisay ayaa ah in la iibinayo xiddiga reer Brazil ee Neymar si uu isagu u noqdo hoggaamiyaha naadiga.

Leave a Reply